Xaaladda dhaawacyadii la geeyey Turkiga, nooca dhaawac ay qabeen & Daryeelka loo sameeyey (Akhriso magacyada)

Bulsha:- Safaaradda Soomaaliya ee Anakara Turkey ayaa mid mid usoo booqatay dhaawacyada qaraxii Zoob ee lagu dabiibayo Magaalada Ankara.

Guud ahaan Bukaanada waa 34 Bukaan waxay ku jiraan oo loo kala qeybiyay ilaa iyo lix Isbitaal, Safaaradda Soomaaliya ayaana shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay qeybta ugu horeyso warbixinada dhaawacyada, waxayna soo gudbisay xogta 18 Bukaan.

Cabdulqaadir Maxamed Xuseein (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo ay u xilsaartay ka warqabka xaaladda bukaanadaan ayaan ka helnay warbixintaan.

Cabdulqaadir ayaa si dhow uga warqabo xaaladaha caafimaad ee dhaawacyadaas, waxaana loo xil saaray inuu dhaawacyada la socdo xaaladahooda, u fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin isla markaasna uu ka caawiyo sidii ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad oo dhameystiran.

Xogyahaya labaad ee safaaradda Cabdulqaadir ayaa si joogto ah u booqdo dhaawacyadaas oo la kala geeyey Isbitaalo kala duwan.

Wuxuu  Cabdulqaadir Caasimadda  la wadaagay 18-kaas bukaan dhaawacyada ay qabeen, shaqada loo qabtay, Xaaladda ay hadda ku sugan yihiin iyo cidda la socoto:

1) Yusuf Maxamed Aden waa 26 jir, waxa uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix suxulka, waxaa lagu sameeyay qaliin waxaana loo geliyay plastic xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay, waxaa la socoto xaaskiisa Fadumo Maxamed Cumar.

2) Abdalla Omar Mayow waa 49 jir, waxa uu dhaawac ka soo gaaray oo uu ka jabay gacanta midig iyo lugta midig, gacanta waa loo kabay lugtana biro ayaa loo geliyay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay waxaa la joogo Abdulle Ibrahim Abdalla.

3) Salma Hussein Aminullah waa 19 jir, Isbitaal digfeer ayaa lug looga soo gooyay lugata kalana qeybta dambe labo dhaawac kale ayay ka laheed waana la daaweeyay xaaladeeda caafimaad waa ay roontahay waxaa la joogo aabaheed Hussein Aminullah.

4) Maxamed Ashkir Cawaale waa 80 jir, waxa uu dhawac ka soo gaaray oo uu ka soo jabay lugta bidix waana la kabay, madaxana dhaawac yar ayaa ka soo gaaray waana la tolay, qeyb yar oo jirkiisa kalana waa uu yara gubtay, xaaladiisa caafimaad aad iyo aad ayay u fiicantahya si fiicanna waa uu noogu sheekeeyay talooyin bandanna waa uu soo gudbiyay waxaa la joogto xaaskiisa Hadiya Sheikh Yusuf, waxaa kaloo dibadda ugu timid gabadhiisa.

5) Abdisalam Osman Salah waa 32 jir, xabadihii la furay qaraxa kadib ayaa waxyeelo gaarsiiyay waxa ay wax ka gaareen caloosho xabad ayaa dhaxfariisatay mindhicirka waana laga saaray, sidoo kale waxa ay wax ka gaaraeen labada lugood waxayna xabadda ugu dhacday neerfaha lugaha, lugta midig dareemaheeda waa uu soo laabtay tan bidix ayaa wali maqan waxaa la socdo walaakiis Ahmed Osman Salah.

6) Ahmed Hussein Warsame 29 jir dhabarka iyo madaxa ayaa dhaawac ka soo gaaray, qaliin ayaa loogu sameeyay dhabarka, waana lagu guuleestay, dhabarka dhaawaca ka soo gaaray dartiis dareemaha lugaha ayaa ka tagay, dareemaha lugaha waa uu soo laabtay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay waxa la joogo Abdirashid Ahmed Mire.

7) Mahad Abdi Sheikh waa 27 jir, waxa uu dhaawac ka soo gaaray kilida midig dadaal dheer kadib xaaladiisa caafimaad waa ay roontahay waxaa la joogo Hussein Abdulkadir.
8) Adan Muse Hassan waa 59 jir, waxa uu dhaawaca ka soo gaaray oo qeybo ka mid ah lafihiisa burburtay jilibka hoostiisa hilib yarna ka maqan, Adan waxaa lagu sameeyay operation waxaana lagu guuleeystay in la badbaadiyo lugtiisa inkastoo uu qabo Dhiig kar Sokor iyo Gaas, waxaa la socdo wiilkiisa Hassan Adan Musse xaaladiisa caafimaadna aad ayay u fiicantahay.

9) Ali Mohamod Mohamed waa 36 jir, dhaawaca waxa uu ka gaaray lugta midig waxaa lagu sameeyay operation waana lagu guuleysatay biraa loo geliyay dibna waa looga saari doonaa, xaaladiisa aad ayay u fiicantahay waxaa la joogo Dahir Muse Fidow.

10) Abdulkadir Mohamed Abdulle, (Abdulakdir OK) waa 29 jir, dhaawaca waxa uu ka soo gaaray qoorta, gacanta bidix iyo gubniin wajiga ah, madaxa iyo qoortana qeyb kamid ah oo yar yar ayaa laga tolay wajigana waa loo dhayay, gacantana waa loo kabay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay, maanatana buukanada kale asaga ayaaba nala soo booqanaayay, waxaa la socoto xaaskiisa Samira Abdirahman Adan.

11) Istar Ali Mohamed waa 26 jir waxa uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix iyo lugta bidix qaliin lagu sameeyay kadib waa loo kabay lugtii gacantiina waa loo badbaadiyay hadda xaaladeeda caafimaad aad ayay u wanaagsantahay waxaa la joogo ninkeeda Sheikh Nur Maxamed Sheikh.

12) Mursal Sheikh Ahmed waa 42 jir waxa uu ka jabay oo uu dhaawaca ka soo gaaray gacanta midig iyo lugta midig waana loo kabay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay, waxaa la socodo walaalkiis Abdi Sheikh Ahmed.

13) Faadumo Xaaji Ali waa 37 jir waxa uu dhaawac ka soo gaaray madaxa, waxa ayna ku jirtaa qeybta Emergenciga, xaaladeeda caafimaad sidii hore waa ay ka roontahay wayna sheekeeneysaa balse qeybta degdega ayaa lagu ilaalinayaa. Waxaa la socoto gabadhheda Luul Qaasim Hussein.

14) Layla Isaak Mohamed, Xaaladeeda caafimaad aad ayay u wanaagsantahay jirkeeda oo dhan waa uu bad qabaa marka laga reebo gacanta bidix oo ay dhaawac ka tahay waxa ay mareysaa qaliin gacanta ah, waxaa la socoto Fadumo Omar.

15) Samiira Sheikh Mohamed waxa ay dhaawac katahay garabka midig waxaa kaloo jiro dhaawac yar oo bowdada ah mana ahan waxweyn, Samiira plastic operation ayay mareysaa oo xagga garabka ah xaaladeeduna aad ayay u wanaagsantahay, waxaa la socdo Aweys Sheikh Mohamed.

16) Calas Cilmi Qoobeey, Koomadii uu ku jiray waa uu ka soo baxay, waxa ay wax ka gaareen madaxa labada lugood iyo daanka, Ogaalkiisu aad ayuu u wanaagsanyahay, wax wuu arkayaa waxna waa uu maqlayaa dadkana waa uu kala garanayaa operationkiisiina waa lagu guuleystay waxaa hore ula joogay Aidrus Mohamed waxaa ku soo biray oo Finland ugu yimid walaalkiis Daahir Cilmi Qoobeey.

17) Mohamed Ismail Malaq, Hadda waxaa laga soo saaray qeybta degdega waxaa la keenay qeybta jiifka caadiga ah, waxa ay wax ka gaareen dhabarka, lafdhabarta aad ayay u badqabta, socod ayuu bilaabay sifiicanna ayuu noogu sheekeeyay maanta, xaaladiisa aad ayay u wanaagsantahay, waxaa lajoogo walaalkiis Cabdulqaadir Ismail Malaaq.

18) Liibaan Nuur Osoble, kaliya waxa ay wax ka gaareen madaxa, Operationkiisii waa lagu guuleestay, kaliya inuu si caadi ah u soo kaco ayaa la sugayaa, dareen iyo dhaqdhaqaaq waa uu leeyahay rajo fiican ayaa laga qabaa inuu soo tooso, waxaa la socdo Cabdulqaadir Cabdullahi.

Waxaa dhiman ilaa 16 dhaawacyada, wuxuu xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya  ee Turkiga cabdulqaadir sheegay inuu caawa soo gudbin doono? Waxaana idiin ballan qaadeynaa inaan idinla wadaagno marka aan xogtaas ka helno Inshaa Allah











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment