Waxaa hadda khudbad qosol badneyd jeediyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
madaxweynaha Galmudug ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey madaxweynaha Hirshabelle Waare, wuxuuna sheegay inuu u rajeenayo Hirshabelle mustaqbal wanaagsan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa meesha ka sheegay hadal qosol badnaa markii uu yiri. “Ayaantaan waa la igu dhagan yahay, iisoo duceeya inuu Alle iga badbaadiyo” Sidoo kale wuxuu yiri: “Ahlu Sunna inuu Alle soo fududeeyo iigu soo duceeya”
Dhanka kale wuxuu Madaxweynaha Hirshabelle u sheegay inuu cadowgiisa il gaar ah ku fiiriyo, isagoo fasiraad ka bixin nooca cadowgaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu u duceenayo Maamulkaas isagoo yiri: ” Waa u duceynayaa Hishabelle, waxaan filayaa 70 jir aan ahay in la iga aqbali doono”
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment