Soo dhowayntii madaxwayne Farmaajo Kala kulmay dalka Suudaan (SAWIRRO)

Bulsha:- Waxaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan gaadhay Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey, Waxaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Khartoum ee dalka Sudan kusoo dhaweeyay madaxweynaha Sudan Cumar Albashiir, Safaarada Soomaalida, Saraakiil Ciidan iyo qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

Booqashada wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriirta sidii loo adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa caawa kulankooda ugu horeeya yeelan doona iyadoo kulankaasina ay ka qeyb noqonayaan wasiiro ka kala socda labada dal.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan ayaa ka wada hadlaaya arrimo ay kamid yihiin dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amaanka iyo dhinaca diblumaasiyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo dalka Sudan la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment