Dagaal Afka ah oo dhexmaray Axmed Macalim FIQI Iyo Caali Xaaji Warsame

Bulsha:- Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ayaa dhowaan isagoo ka hadlaya Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug wuxuu sheegay inay “Dadka Reer Galmudug yihiin kuwii Dumiyey Dawladdii dhexe ee Soomaaliya,  Isagoona Xusay inay Farmaajo Kursiga ugu tagi doonaan Hada”.



Hadalka Fiqi ayaa dad badan u arkeen mid dib u soo xusuusinaya shacabka Somaliyeed xanuunkii dagaalka sokeeye ee lasoo dhaafey iyadoo uu Dowlada Madaxweyne Farmaajo ku ahaa mucaarad tan iyo intii ay xubno ka tirsan xisbigiisa Daljir iska dhexwaayeen dhismaha xukuumada.

Dhinaca kale Cali Xaaji Warsame oo aan wax xill ah ka hayn dowlada Federalka Somaliya ayaa hadal uu ku qorey bartiisa Twitter u jawaabey Xildhibaan Fiqi isaga oo ku timaamey kalmadihiisa kuwa mooryaanimo ah. 




“Runtii hadalkaas Xildhibaanka Qaran uma ekeyn in uu isticmaalo, khaasatan markii uu ka hadlayo khilaaf siyaasadeed oo berri la xallin karo”. Ayuu Raaciyey Cali Xaaji Warsame.
Xilhibaan Axmed Fiqi ayaa kasoo jawaabay hadalka Siyaasi Cali Xaaji, ayaa yidhi “Lama yaabayo hadaaqa Cali Xaaji Warsame iyadoo la wada og yahay taariikhdiisa madow ee Mudug iyo tii ka sii horeysay, maantana iska dhigo shariif”.



Xildhibaan Fiqi iyo Cali Xaaji ayaa kasoo wada jeeda gobolka Mudug gaar ahaan magalaada Galkacayo halkaasoo beelaha ku nool colaad ka dhaxeysay mudooyinkaan dambe waxayna u baahan yihiin dad ka shaqeeya sidii la isugu soo dhoweyn lahaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment