Shirkii Madaxda Maamul Gobaleedyada uga socday Kismaayo oo lasoo gaba gabeeyay,Maxaa ka soo baxay?

Bulsha:- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyada in xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro war murtiyeed.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda ka qeyb galeysay shirka ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah, halka kuwo kalena ay isku afgarteen.

Warar ay  ayaa sheegaya in doodihii dhex maray Madaxda maamul goboleedyada uu ka mid ahaa in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.
Walaac badan ayaa laga qabaa qodobada qaar ee shirka, oo aan wali si dhab ah loo ogeyn, waxaana jira shaki ku aadan in xaalada siyaasadeed ee dalka uga sii daro, iyadoo Madaxtooyada ay si dhow ula socoto shirka Kismaayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment