Bulsha:- Dowlada Qadar oo xiriir wanaagsan la leh dowlada Somalia ayaa wada qorsho ay ku kasbaneyso dowlada Federaalka ah ee Somalia.
Qorshaha cusub ee Qadar ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu dhisaayo ciidamo khaas ah oo dowlada Somalia ka garabsiin doona dhanka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada Somalia ee Al-shabaab.
Dowlada Qadar oo diiwaan galinta ciidamada cusub kawada magaalada Muqdisho ayaa si gaara u qoraneysa dhalinyarada u nugul difaaca dalka.
Waxaa la xaqiijiyay in dhalinyarada qaarkood loo qaadi doono dalka dibadiisa, halka qaarna ay tababarada ku mari doonaan xero ciidan oo ku taala Muqdisho.
Tirada ciidamada ay diiwaan galineyso dowlada Qadar ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan 1,000 kuwaa oo lagu xulan doono sifooyin gaara.
Dowlada Qadar ayaa garab ka ah xulafada Turkiga marka la’eego Siyaasada dowladaha muslimka ah, waxaana xusid mudan in Turkiga uu dhawaan Saldhig ka hirgaliyay Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha ay dowlada Qadar ku dhiseyso ciidamada cusub, ayaa waxaa ka danbeysay dowlada Turkiga oo iyadu galaangal ku dhex leh Somalia.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment