SAWIRRO: Salaad Janaaso oo maanta Lagu Tukaday goobtii qaraxa ee Zoobe

Bulsha:-  Boqolaal qof oo ka mid ahaa dadkii Salaadii jimcaha ku dukaday masaajidada ayaa isugu tagay Isgoyska Zoobe oo aheyd halkii musiibada ka dhacday ee dadka faraha badan ku dhinteen, waxaana halkaas ay ku dukadeen salaad janaaso ah.

Dadkan oo ay hoggaaminayeen Culumaa’udiin ayaa barxadii uu qaraxa ku laayay boqolaalka qof istaagay, waxaa ay u duceeyeen dadkii ku dhintay musiibadaas

Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminayay ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxaana qof walba uu u akhrinayay duco gaar ah.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa dhowaan ku baaqday in Salaada jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment