Bulsha:- Labo diyaaradood oo sida dawooyin ayna ugu deeqday Dowlada Ethiopia dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka soo degtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ka guddoontay safiirka dowlada Ethiopia u fadhiya Soomaaliya deeqdan dawada ah iyadoo uga mahadcelisay dowlada Ethiopia gargaarkan ay soo gaarsiisay dalka Soomaaliya.
Danjiraha Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar, oo deeqdan dawada ah ku wareejiyay Wasiirka caafimadka ayaa sheegay in gurmadkan dowladiisa u fidineyso dadka Soomaaliyeed uu tusaale u yahay xiirka wanaagsan ee labada dhinaca ka dhexeeya.
Garoonka diyaaradaha ee maanta laga soo dejiyay deeqda ka timid Xukuumadda Adis Ababa ayaa waxaa joogay Wasiiru dowladda Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Khayr, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Tan iyo markii uu dhacay xasuuqii isgoyska 14-ka October ee Ex-zoobe ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray in ka badan 10 diyaaradood oo siday dawo iyo dhakhaatiir, iyadoo dowladii ugu horeysay oo shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday ay aheyd dowladda Turkiga.
Maalin walba ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo degeya diyaarado sida gargaar dawo ah kuwaasoo wadamada caalamka ugu deeqayaan wadanka Soomaliya.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment