Bulsha:- Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa afhayeenkii hore ee Al-Shabaab oo dhawan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa maanta la arkay isagoo dhiig u shubayo dadka Musiibada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Zoobe.
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa isbitaalka Degfeer ee Magaalada Muqdisho ku shubay dhiig uu ugu talagalay in lagu badbaadiyo dadka Musiibada ku dhacday.
Sheekh Mukhtaar ayaa horey u sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab 7 sano ah ka hor markii uu sheegay in ficilada ay sameenayaan aysan waafqsaneyn Diinta islaamka.
Sheekh Mukhtaar ayaa Al-Shabaab horey uga tirsanaa iyadoo ay Qaraxyo ka fulinayaan Muqdisho, maantana waxaa muuqato isbadal weyn oo ku dhacay isagoo muujiyey inuu ka xun yahay waxa ka dhacay Zoobe.
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirka Sheekh Mukhtaar laga soo qaaday:

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment