Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aanay xilligan habooneyn in lagu mashquulo siyaasad iyo arrimo kale, isagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in wax laa xumaado ay aheyd qaraxii 14-kii bishan la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaa uu tilmaamay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay waajib ka saaran tahay inay u midoobaan cadawgooda.
Wuxuu Madaxwaynaha Soomaaliya uga mahad celiyey siduu uga Jawaabay Masiibada ka dhacday magaalada Muqdisho, Calanka Hoos loo dhigay, Gurmadka Dawladdu muujisay iyo Dhiiga uu ku deeqay, Wuxuuna ka hadlay Arimo dhowr ah.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment