MUUQAAL: Wararkii ugu dambeeyey ee Weerarka Naasa Hablood & Al-shabaab oo War kasoo saaray

Bulsha:- Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanayo Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo inay gudaha Hotelka ka dagaalamayaan kooxo ka tirsan Shabaab.


Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaas, waxayna sheegeen inay Gudaha u galeen Hotelka kadib weerar ku bilowday is qarxin oo halkaas lala eegtay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay halkaas ka dagaalamayaan Ciidamado ka tirsan isla markaasna ay ka wadaan howlgal culus, Sida goob-joogayaal ay xaqiijiyeen ilaa hadda dhimashada waa 10 qof, halka dhaawaca la sheegay inuu intaas ka badan yahay.
Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Taliyayaal ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Xildhibaano hore oo aan weli magacyooda si rasmi ah loo helin Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa kamid ah dad rayid ah oo saarnaa gawaari marayey iridda hore ee Hotelka.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa isla goobtaas ka dhacay qarax kale oo aad u culus, waxaana weli halkaas laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya, Sidii caadada aheydna Al-shabaab ayaa weerarkaan kusoo aadiyey xilli galabka uu dhici rabay si ay ilaa habeenkii halkaas ugu sii jiraan.



Qaraxan ayaa saameyntiisa waxaa laga dareemay guud ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna kusoo aaday xilli aan weli la iloobin dhibaatadii uu geystay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment