Bulsha:- Waxaa xalay la weeraray hoyga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro, Waxaana weerarka gaystay koox dhallinyaro ah.
Waxaana la sheegay inay soo abaabuleen cidda uu tartanka doorashada uu kala dhexeeyo,
Taliyaha guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar dhallinyaro ah iyo baabuur, haatan na ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona intaa raaciyay in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda fal noocaasi oo kale ah.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment