MUUQAAL: Faysal Waraabe oo dagaal ugu hanjabay Buuhoodle iyo weerar uu Ku Qaaday Garaad Soofe iyo Puntland

Bulsha:- Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ugu horayn wuxuu sheegay in Heshiiskii Somaliland ay la gashay Madaxwaynihii khaatumo Cali Khaliif uu yahay guul ay gaadheen, Islamarkaana uu ahaa mid midaynaya Somaliland.


Dhinaca kale Faysal ayaa Wuxuu dagaal ugu Hanjabay magaalada Buuhoodle, Wuxuuna Aflagaado iyo digniin u jeediyey Garaad C.risaaq Garaad Soofe oo ah Garaadka Guud ee Gobolka Cayn, Isagoo sheegay inuu Rabshad ka wado Buuhoodle, Wuxuuna sheegay inuusan Buuhoodle ku xidhi karin Dawladda Soomaaliya.

“Buuhoodle Shan Daqiiqo ayaanu ku Qabsan karaa, Waxaanu diidaynaa inay Dhibaato Dhacdo, Hadii aan doorashada kusoo baxo Buuhoodle kuu Rahmanaan mayso, Waxaana eedaasi leh in Buuhoodle maanta Xamar lagu xidho Dawladihii iga Horeeyay “ Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sidoo kale Hanjabaad u diray Puntland . “Xabadu markay dhacdo ayuu iska tagayaa Ninka Reer Garoowe, oo Laascaanood waa tii ka dhacday, C.wali gaas waxaan leeyahay Balan waxaa nagu ah inaanu Garoowe Nimaadnimo, Dulqaadkii wuuu naga dhamaaday.” Ayuu hadalkiisa Raaciyey.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment