Maraykanka Iyo Midowga Afrika Oo Kawada Hadlay Ammaanka Soomaaliya

Bulsha:- Danjiraha Maraykanka u joogta Xarunta QM, Nikki Haley iyo Madaxda Ururka Midowga Afrika iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxay shalay Kulan wadajir ah ku yeesheen magaalladda Addis Abeba.

Kulankaasi ayaa la sheegay in looga wada hadlay Xaalladda Ammaanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM oo ka hadashay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Afrika, Minata Samate ku qabteen Xarunta Dhexe ee AU-da ayaa sheegtay in Danaha Maraykanka ku xiran tahay inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan Midowga Afrika iyo Urur-gobaleedka IGAD sidii xal loogu heli lahaa Somalia.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay inay Nikki Haley iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ka wada hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen Dadaalka Nabad-ilaaliyayaasha ugu jiraan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment