Bulsha:- Duqa magaalladda Paris, Anne Hidalgo waxay amartay in la damiyo Nalka Taawarka Caanka ee Eiffel Tower ee ku taalla Paris saacaddu markay ahayd 12:00 ee saqdii dhexe ee xalay ee xilliga Bartamaha Yurub..
Hadal qoraal oo ka soo baxay Shirkadda hawlaha ee Taawarka Eiffel Tower ayaa lagu sheegay in Codsiga Maayarka Paris ee lagu damiyey nalalka Tawarkaasi ahayd mid lagu muujinayo xushmadda loo hayo Dhibanayaashii ku geeriyootay Qaraxii Muqdisho.
“Dhamaan shaqaalaha Shirkadda Tawarka Eiffel Tower waxay si buuxda u taageereen qorshaha Maamulka magaalladda Paris iyo inuu Qalbigooda la jiro Qoysaska dhibanaayaasha ku geeriyooday Qarixii Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.
Dhinaca kale, Duqa magaalladda Muqdisho waxa uu bogaadiyey maamulka dhigiisa dalka Faransiiska.
“Ka Duqa Muqdisho, waxaan doonayaa inaan u mahad celiyey Duqa maagalladda Paris, Anne Hidalgo oo taageero Midnimo ah u muujiyey dadka ku nool Muqdisho” ayuu yiri Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed oo qoraalkaasi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.
Magaalladda Toronto ee dalka Kanada waxaa halkaasi ka jira inay Jaalliyadda Soomaalida muujiyeen Midnimadda ay u hayaan dadka ku nool Muqdisho, kana xun yihiin dadkii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Muqdisho.
“Muuqaalka Toronto waxa uu noqon doonaa midabadda Calanka Somalia, si loogu xusuusto Dhibanayaashii qaraxii ka dhacay Muqdisho” ayuu Duqa Toronto, John Troy ku sheegay Twitter-kiisa.
Waxa uu intaasi ku daray: “Qalbigeennu waxa uu la jira Somalia” ayuu sii raaciyey Duqa Toronto.
Dhinaca kale, Duqa magaalladda Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed waxa uu Twitter-kisia uga mahad celiyey dhigiisa magaalladda Toronto.
“Waa mahadsan tahay Maayar John Troy iyo dadka ku nool Toronto falka naxarariista iyo Aadminimadda leh” ayuu Duqa Muqdishu ku sii twitter gareeyey.
Dalka Turkiga oo ah dalkii ugu horreeyey ee ka soo jawaab celiya Qaraxii Muqdisho ayaa waxa xalay munaasabad ay ka dhacday Buundada magaalladda Istanbul.

Waxaana saqdii dhexe Buundada Istanbuul lagu ifiyey nalal iyo Midabka Bulugga ee Calanka Somalia.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment