Daawo: Ninkii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe oo la sheegay inuu ahaa Askari horay uga tirsanaa Ciidanka Dowladda

Bulsha:- Waxaa  soo baxayay warar kala duwan oo ku saabsan cidda ka mas’uulka ah qaraxii  Sabtidii ka dhacay Muqdisho, waxana uu daabacay wargeyska The  Guardian in askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya uu ahaa qofkii ka dambeeyay qaraxii galaaftay inkabadan saddex boqol oo ruux.


Weerarkan ayuu wargeyska ku sheegay in uu ahaa mid aargoosi u ahaa weerarkii ay ciidamada dowlada ku qaadeen deegaanka Bariire oo toban ruux oo rayid ah lagu diley.

“Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaariga qarxay askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaasoo ka soo jeeda deegaanka Bariire.”ayuu daabacay wargeyska.

Ururka Al-Shabaab ma sheegan mas’uuliyada weerarkan balse dad ay u qabteen qaraxan ciidamada dowlada ayaa u sheegay dambi baarayaasha in Al-Shabaab ay ku lug lahayd qaraxa sida mas’uul ka tirsan dowlada uu u sheegay wargeyska The Guardian.

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira weerarkan waxana uu qoray wargeysku in labo baabuur oo mid kamid ah uu ahaa Noah iyo baabuur weyn oo nooca Milatariga ay isticmaalaan laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa.

“Gaariga yar waxaa la doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde Medina Gate kadibna gaariga weyn uu wadada u furo si uu ugu qarxo gudaha ama afaafka hore ee garoonka diyaaradaha.”ayuu qoray wargeyska The Guardian.

Wargeyska ayaa waxaa uu qoraalkiisa sii raaciyay in gaariga yar ay joojiyeen ciidamo ka shakiyay waxaana uu qarxay iyadoo wadihii ay  su’aalo weydiinayeen askar,waxana uu ahaa wadihii gaariga nin hore ugu dhaawacmay weerar isqarxin oo lagu qaaday hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdiaho sanadkii 2012kii.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa waxaa ay u sheegeen wargeyska in labada baabuur ee qaraxa ka dambeysay loo maleynayo  in ay ka soo tageen deegaanka Bariire, isla markaana milkiilaha baabuurka weyn uu ka soo jeedo deegaankaas haatan la xirey oo su’aalo la weydiinayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment