Kadib Muqdisho, Turkiga oo dalalka Khaliijka kaga adkaaday loolan kale

Bulsha:- Loolanka saameynta Geeska Afrika ee Turkiga ay kula jiraan dalalka Khaliijka, ayaa ay guul kale ka gaareyn kadib markii ay gacanta ku dhigeen heshiis muhiim oo ku saabsan mashruuc laga fulinayo dalka Tanzania.

Saameynta Turkiga ee Bariga Afrika ayaa sii xoogeysanayey sanadihii ugu dambeeyey, ayada oo Turkiga ay maamulaan dekedda iyo garoonka Muqdisho, islamarkaana saldhig ballaaran ay ku leeyihiin caasimadda Soomaaliya.

Shirkadda Turkiga ee Yapi Merkezi ayaa ku guuleysatay qandaraaska dhismaha qad tareen oo isku xiri doona magaalooyinka Morogoro iyo Mako-Taboro.

Qadkan tareen ayaa muhiim u ah dekedda Dar es Salaam, waxaana la filayaa inuu ku kaco laba bilyan oo dollar oo ay bixin doonaan bankiyada Turk Eximbank iyo Exim Bank of China.
Heshiiskan ayaa waxaa laga xaajooday markii madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan uu bishii January booqasho ku tagey dalka Tanzania, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas John Magufuli.

Shirkadda Turkiga ayaa loolankan kaga adkaatay shirkado laga leeyahay dalalka Khaliijka.

Turkiga iyo Khaliijka, gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii dhowaa loolan xooggan uu kaga dhexeeyey siyaasadda Soomaaliya, ayada oo Imaaraadka marar badan ay isku dayeen inay Turkiga ka saaraan Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment