FARQIQA U DHAXEEYA HAWEENKA UURKA LEH EE AJNABIGA IYO KUWA UURKA LEH EE SOOMAALIDA!!

Bulsha:- Aan ku bilowno Haweenka ajnabiga ee uurka leh:

-dadkeeda dhan waa wada ogyihiin in ay uur leedahay isla markii uu dhaqtarka u soo sheego in ay uur leedahay,waxba ma qariyaan ceebna ma ahan ee waa wax lagu farxo.

-xoogaa ka bacdi haweenka kale ee asxaabteeda haddii ay ku dhahaan meeqa bil waaye uurkaada? ,waxay ugu jawaabtaa waa afar bilood,waana (wiil ama gabar)waxaana u bixin doonaa(magacaas).

-mudada ay uurka leedahay lama arko iyada oo cabaadeysa,matageysa,is badaleysa,gurigeeda waa ku faraxsantahay ninkeedana waa caawiyaa ma dhibsato,shaqada sidii caadiga ahayd ayey ku socotaa,waa la wada faraxsanyahay guriga dhan waxaana la sugaa ilmaha cusub ee dhalan doona.waana loo sii diyaar garoobaa(dabcan wuu jiraa is badalo ku dhacaya haweenka uurka leh balse kama dhigto wax banaanka yaalo dadka dhana kama dareemaaan ilaa ninkeeda).

-haddii raashinka qaarkiis dhibo gaajo kuma joogta waxaa ay raadsataa raashin kale oo ay ka heleyso cunno isku dheeli tiran ,si ay iyadana awood u hesho ilmaha caloosha ku jirana ay si fiican ugu koraan.

-guriga marki la joogo ma dhibsato ninkeeda balse in uu dhiiri galiyo ayey ka codsataa mar walba,waana soo dhaweysaa kalgacayl ayey u muujisaa,areebana ma noqoto,haddii raashinka caadiga ah aysan ka helin iyadana mid gooni ah ayey sameysataa,cidda inteeda kalena midkooda caadiga ah ayey u karisaa.

-waxay aaminsantahay in uurku yahay wax muddo kooban lagu jiraayo isla markaana dhamaanaayo (waa sagaal bil kaliya asbuuc asbuuc ayeyna u tirisaa),farxadna ay ka danbeyso oo ilmo la dhali doono.saas daraadeedna loo baahanyahay dulqaad iyo sabar,iyo adkeysi.

-markay dhasho oo ay soo salaamaan asxaabteeda oo ay ka wareystaan foosha sida ay ahayd waxay ku dhahdaa,waxba dhib ah ma arkin xanuun ima qabanin,cirbadda dhabarka ayaan qaatay si fudud ayaana ku dhalay,isla markiibana guriga ayaan imaaday.

-maalmo ayey nasaneysaa waxaana ay cuneysaa raashin isku dheeli tiran,ka dibna hawsha sidii caadiga ahayd oo loogu tala galay ayey ku soo noqoneysaa,ilmo xanuunsan oo mar walba isbitaalka loola cararaayo ma jiraan,naaskana si fiican ayuu u nuugaa,haddii ay ilmo kale u baahatana iyada iyo ninkeeda ayaa isla qorsheeya,waana kala dheereeyaan,si ilmahan dhashay uu jaanis ugu helo in uu si fiican u koro.

Aan u imaano gabdhaha walaalaheena ah ee soomaalida ee uurka leh!!

-horta marka hore waa qarinee uurka dhar waasac ah ayey qaadaneysaa ilaa lix bilood laga gaaro oo caloosha banaanka imaato qof ogaaneyso ma lahan,ceeb ayey u maleysaa.

-markii caloosha banaanka taalo la arko haddii asxaabteeda weydiiyaan uur maa leedahay?waxay ku jawaabeysaa,iyada oo ka xun (haa seen yeelaahee,aniga ma rabin in aan uur u qaado.kii ayaa saan i yeelay.

-haddii hadana asxaabteeda ay weydiiyaan meeqo bil waaye uurka waxay dhaheysaa, aniga intaas oo bil ayaan xisaabsanooyaa, dhaqtarkana intaas oo bil , laakiin labadeena kii sax ah ilaah ayaa og.

-haddii la weydiiyo maxaa sugee wiil iyo gabar?waxay ku jawaabeysaa,ninkayga ayaa diiday in aan hadda soo kala ogaano ,balse wixii ilaah i siiyo wiil iyo gabar bo.ilaahey aktiisa ayey taalaa labadaba.laakiin gabar ayaan jeclaan lahaay si hawsha guriga u qabato oo aan u nasto.

-haye wiilka maxaa ku diidee ? haddii la weydiiyo waxay ku jawaabeysaa ,hadhooti naag aan jeclaan doonin ayuu soo aroosaa oo iga raacaa(bal fiiriya waxa ay ku sii xisaabtameyso).

-guriga marka la joogo wax waliba waa dhibsataa,waa xanaaqsantahay 24 saac,ninkeeda waxa ay ku dhahdaa wajiga iga qari,kuma arki karo,markaasuu kadeedsanaadaa ilaa ay ka dhasho,xitaa raashinka ay dadka kale karsanayaan ayaa dhibaaya urkiisa markaasaa guriga dhan la wada walacsanyahay,ilmaha iyo odaygaba daryeel ma haystaan,raaxo ma haystaan,qayladii subaxdii lagu bilaabo ayaa qoraxda ugu dhacdaa,guriga waxaa soo buuxinaaya gabdho kale oo iskugu jira dariska ,cideeda ,iyo ninka cidiisa ah ,oo raba in ay caawiyaan mana yaqaanaa si ay u caawiyaan mid ay la dagaasho iyo mid ay buriso ayey ka dhigeysaa.

-cabaad,matag,wax cunid la,aan,ayey ku dhameysaneysaa ilaa ay ka dhasho,(waxaa loo yaqaanaa walac),markaasaa dhiiga ku yaraanaa,jirkeedana difaac ma lahan,waxaana dhacda qaarkood in ay umul raacdaan ama ay dhasho ilmo tacbaan ah oo jirooyin ka bixin waligiis.

-marka ay dhasho ka dib haddii la weydiiyo ka waran foosha?waxay ku jawaabeysaa xanuun daraadiisa waa dhiman rabay,aniga maa uur danbe isku qaadaayo.

-guriga cideeda ayey aadeysaa marka ay dhasho ka dib ilaa dhiiga nifaaska ka soo dhamaado,waxaa la siinaa waxyaabo aysan ka heleynin cunno isku dheeli tiran,oo iyada iyo ilmahaba wax u tareynin,sida shaah cadees oo kale.

-40ka bari marka ay u dhamaato cunigii waa tacbaan sababtoo ah caloosha markuu ku jiray hooyada wax fiican ma cuneynin,markii ay dhashayna naaska wax awood jirkiisa siinaaya kama nuugin hooyada,iyadaaba wax awood siinaayo cunin,wadaado iyo qur,aan akhris,iyo farmashiye ayey ka daba wareegeysaa.

-bilo ayaa waxaa jirkeeda ka muuqanaaya raadadkii ay ku reebeen jirkeeda uurkii iyo fooshii,sababtoo ah maba nasanin,markii ay dhashayna cunigii ayey la kowsatay.

-arinta ugu yaabka badan ee ugu danbeysa waxa waaye,waxaa arkeysaa ugu badnaan laba bilood ka dib uur kale ayey leedahay hadane.

Sheekadan waxaa loogu tala galay qosol qosol iyo maad,balse aqriste maxaa ka fahantay rag iyo dumarba,maxaase ku kordhin lahayd adiga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment