Faah-faahin Qaraxii Zoobe iyo Ciidanka oo qabtay Nin waday gaadhi ku Qarxay Degmada Wadajir (Warbixin+Sawirro)

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo loo adeegsaday Gaadhi xamuul oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna qarxay Isgoyska Zoobe ee KM5, Waxaana ka dhashay khasaare ballaaran oo isugu jira bur bur, dhimasho iyo Dhaawac.


Ku dhowaad 20 ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka, Wuxuuna Qaraxa dhacay xilli wadada Isgoyska Zoobe ay aheyd mid mashquul ah, halkaas ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Baabuur fara badan oo isugu jira kuwa yar, gaadiidka dadweynaha, iyo mooto bajaajta ayaa ku bur buray qaraxa weyn ee ka dhacay isgoyska, iyagoo gebi ahaanba gubtay, Sidoo kale waxaa bur buray dhismayaal fara badan, waxaana qaraxa uu saameeyay goobo aad uga fog halka qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana wali socda baadigoobka dad kale oo looga shakisan yahay inay ku jiraan dhismayaal bur buray hoostooda.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaadhi nuuca NOAH ahaa oo qarax saarnaa, wararka ayaa sheegaya in markii ninkan lagu amray inuu gaariga ka dego uu qarxay gaariga.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment