Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkey Recep Tayyep Erdogan ayaa kormeeray dhaawacyadii Turkey-ga ka qaaday Magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalada Magaalada Istanbul ee Caasimadda Turkey.
Masuuliyiintaan ayaa booqday saalooyinka qalliimada ee Isbitaalada la geeyay Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ee dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan.
Waxaana la arkayay iyagoo xiran Dareeska Caafimaadka islamarkaana ukuur galaya xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dhibanayaashaasi Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Turkey-ga Raccep Tayyep Erdogan ayaa muujiyay Dareen Walaalnimo oo Taariikhda Soomaaliya Baal dahab ah uu uga gali doono maadaama uu yahay waddankiisu yahay kan ugu horreeyay ee si deg deg ah uga soo jawaabay Baahida walaalihiisa Soomaaliyeed kadib dhibaatadii shacabka Muqdisho ka soo gaartay weerar dhawaan ka dhacay Isgooyska Zoobe ee degmada Hodan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka muuqato dareen murugo lah ayaa isna ka soo muuqday Saalooyinka qalliimada Turkey oo ay saaran yihiin dhibanayaal Soomaaliyeed.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment