Bulsha:- Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku guuleysatay badbaadinta dhaawacyo farabadan oo ku hoos jiray dhismooyinkii ku burburay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale soo saartay tirro Meydad ah oo ku hoos jiray dhismooyinka burburay, maalmo kadib Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe.
Dowlada ayaa waxaa badbaadinta iyo helida Meydadka iyo dhaawacyada ka saaciday qalab casri ah oo ay keentay Qaramada Midoobay oo lagu ogaanayo dadka nool ee ku hoos jira burburka dhismooyinka.
Dowlada Federaalka ayaa waxaa qalabkaasi u hagaayay shaqaale u tababaran sheegista dhaqdhaqaaqa iyo in qof nool uu ku hoos jiro burburka ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Shaqaalaha iyo qalabkooda oo laga dalbay dalka dibadiisa ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu wareejiyay goobta oo weli laga shakisan yahay inay ku jiraan dad nool nool.

Sidoo kale, Shaqaalaha caafimaadka iyo hay’addaha gurmadka deg dega ah ee ku howlan musiibada ayaa sheegay in mar hore loo baahnaa qalabka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment