VIDEO: “Naag kacsatay naagtaan lee iga dheh waa naag aan kacsigeeda yareyn”

Bulsha:- Guurka laysku xusho amaba laysku doorto lacagta iyo daneysigu wuxu waxyeelo weyn ku hayaa mushtamaca Mareykanka ,

Marka loo eego daraasad cusub oo lagu daabacay American Journal of Couple and Relationship Therapy khamiistii lasoo dhaafay .

Daraasadan oo Lagu ururiyey macluumaad laga soo heley in ka badan 1700 oo qof oo ah lamaanayaal is qaba oo Mareykan ah , iyada oo su’aalaha la weydiinaayeyna ay ku saabsanaayeen habka ku qanacsanaanta guurka , dhibaatooyinka ka dhex dhaca lamaanayaasha , xidhiidhka jacayl ee lamaanayaasha , iyo xasiloonida Guurka .

Dadka iyagu sheegey iney ku raaceen amaba dookhoodu ahaa lacag iyo daneysi kale waxay noqdeen boqolkiiba 90% halka dadka iyagu sheegey in calafkoodu uu yahay mid aan lacag amaba maalka qofka kale iyo dan khaas ah toona aaney ku raacin waxay noqdeen boqolkiiba 10%.


HALKAAN KADAAWO riix

Waxana daraasadu sheegtey in dadka aan daneysi iyo maaldoonimo ku raacin jacaylkoodu ay kaga fiican yihiin kuwa kale xaga ku qanacsanaanta lamaanaha iyo xasiloonida guurkaba iyagoo sheegey in khilaafka ka dhex dhaca lamaanaha is qabaa aanu ahayn mid baaxad weyn. Laakin daraasadan ayaa geesta kale sheegtey in dadka iyagu lacagta iyo daneysiga isku raacey ay ka taaganyihiin guurkooda khasaare iyo qoomamo.

“Daraasadan oo ahayd baadhi taan guud waxaanu ogaaney in dadka lacagta iyo daneysiga isku guursadaa ay waxyeelo u geysteen qiimihii Guurka” jason Carroll oo ka mid ahaa baadhayaasha daraasadan  isla markaasna barre sare ka ah jaamacada  Family Life at Brigham Young University ayaa sheegey .

Daraasadu waxay kaloo intaas ku dartey in dadka daneystayaasha ahi ay isugu jiraan rag iyo dumarba , madow iyo cadaan , waxaney daraasadu sheegtey lamaanayaasha nasiibka badani waa dadka ka badbaada daneysiga iyo khiyaamada , waxaaney kula talisey cidkasta oo guurdoon ahi iney ka fogaadaan khiyaamo iyo daneysi beri ka maalin dhaawac u geysan karta qalbiga gacaliyahiisa.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment