Bulsha:- Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ”AFRICOM” ayaa soo saaray qoraal ay ku bayaaninayaan weeraro is xigxigay oo ay ka fuliyeen Somalia.
Taliska ayaa sheegay in weeraradaasi oo ahaa 3 weerar ay ku qaaden Saldhigyo ay lahaayen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Weerarada oo ahaa kuwo ay fuliyeen ciidanka AFRICOM ayaa waxa uu bartilmaameedkiisu ahaa Saldhigyo muhiim ah.
Weerarada ayaa la sheegay in ciidamadu ay fuliyeen qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidanka Maraykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ugana adkaadaan Al-shabaab.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment