Erayada jaceylka oo qofta jilciya soo jiidashadana leh

Bulsha:- Waan Kaa Fikirayay : isku day in aad hesho waqti gaar ah maalintii oo aad og tahay in xaaskaada ay mashquul ku tahay shaqada guriga , soo wac una sheeg in aad ka fikireyso , Shabakadu waxa ay ku leedahay arintaan waxa ay ka qaadeysaa tamar (awood) dheeraad ah oo ay ku sii wadato shaqadeeda , haddii ay mashquulsan tahay ee aysan awoodin in ay telka qabato u reeb fariin , dhab ahaan waa ay farxeysaa marka ay dhageysto .

2- Catarkaada Waan Ka Helay : il gaar ah u yeelo marka lamaantaada catar cusub ay marsato , hoosta ka gili hadal qurxoon oo ah ” catarkaada aad ayuu u wacanyahay” tani farxad ayay ka qaadeysaa waliba wax ay dareemeysaa in aad ka heshay .

3- Waxaad Tahay Hooyo Fiican: waxa ay tani dareensiineysaa in aad u hayso tix gilin ku aadan howsha ay u hayso caruurtaada , waxa ayna ka qaadeysaa awood dheeraad ah

4- Waan Ku Faraxsanahay In Aad Tahay Xaaskeyga: tani wax ay ka mid tahay erayada ugu jilicsan ee lagu xot-xoto haweeneyda waxa ayna ka qaadeysaa farxad middii ugu sareysay .

5- Qaali Aniga Ayaa Hadda Hagaajinaya ” waa ay ku faraxdaa haweeneyda marka ay maqasho in ninkeeda uu si deg deg ah ugu dhag nuglaanayo dalabyadeeda tusaale haddii ay guriga wax ka halaabaan

6- Ha Iloobin in aad amaanto muuqaalkeeda , kuna cel celi kullamaa waqtiga ku saamaxo .

7- Hadiyad Ayaan Kuu Keenay : haweeneyda aad ayay u jeceshahay hadiyadda ee ninyahoow midba midda ay ka fiican tahay u keen

8- Ina Keen Aynu Wada Baxnee : haweeneyda waa ay ka heshaa marka ninkeeda ugu yeero casumaad banaanka ah , u dooro boos iyo maqaayad tan ugu fiican una diyaari nooca ay cunada ka hesho

9- Waan Ku Jeclahay : xittaa haddii aad tiraahdo haka caajisin in aad ku cel celiso , waayo dhagaheeda kama daalaan , eeg indhaheeda u sheeg in aad jeceshahay .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment