Shirkada DP World oo Amar ku soo rogtay Ganacsatada iyo Shaqaalaha Dekada Berbera

Bulsha:- Maamulka Shirkada DP World oo ah shirkada la wareegtay gacan ku haynta iyo maamulka dekeda magaalada Berbera ayaa waxay soo saartay dhawr qodob oo amaro ah isla markaana ay farayso Shaqaalaha dekada Berbera,wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada iyo cid kasta  oo soo galaysa dekeda.

Amaradan  ay soo saartay Shirkada DP World  oo ka kooban ilaa 4 Qodob ayaa kala ah.

1:- In Shaqaalaha Dekada iyo dadka soo booqanayaa ay xiraan dharka Badbaadada sida Kabo Adag, Maryo difaac leh oo ah kuwa dhalaala ee badanaa ay xirtaan ciidamada Ilaalada wadooyinka Dekadda.

2:- In gaariga Xamuulka qaada uu dekada lagali karo oo kaliya wadaha gaariga oo wata Cadaymihii galida,sida ogolaanshaha soo galida  dekeda iyo cadaynta Kastamka.

3:- In Gudaha Dekadda aan la ogoleyn  in  lala galo Qaad ama Jaad.

4:- In sidoo kale aan la ogoleyn in dekada lala galo hubka noocyadiisa kala duwan sida Mindida,Budadka,Bakooradaha iyo Ulaha.
Sikastaba amarkaana ka soo baxay Maamulka shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Maamusha Dekada Magaalada Berbera ayaa waxaa siweyn uga soo horjeestay Shaqaalaha iyo Ganacstada wax ka soo degsada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment