Akhriso: C/kariin Xuseen Guuleed oo ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha DDSI

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo quseeyay kiiska C/kariin Qalbi Dhagax iyo heshiis horay dowladdii hore ula saxiixatay.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu C/kariin Xuseen Guuleed kaga hadlay heshiiska uu sheegay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo tilmaamay in heshiiskaas uu ahaa mid labada maamul goboleed, balse aanu aheyn mid guud.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta uu Cabdikariin kusoo qoray bartiisa Facebook:

Heshiiskii Jigjiga
Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadkii 2016kii ay qalalaaso iyo rabshado dhib dhimasho, dhaacaw iyo barakacba leh ay kadhasheen ay ka dhaceen Tuulooyin ku yaala Xuduudda Dowlad Gobaleedka Soomaalieey ee Galmudug iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayadoo arinkaas la xalinayo ayaan wadahal u tagnay Magaalada Jigjiga wadaxaajood dheerna halkaas ku gaarnay heshiis dhex maray labada Maamul ee Galmudug iyo DDSI.

Haddaba maadaama uu Mudane Cabdi maxamed Cumar Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida uu heshiiskaas carabka ku dhuftay mar uu ka hadlayey arinka Cabdixakiin Muuse ( Qalbi Dhagax ) ayaan waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo arimaha soo socda:

1. In heahiiskaas uu ahaa mid u dhaxeeyay Labada Maamul Gobaleed ee mid guud uusan aheyn.
2. In heshiiskaas uu ahaa mid xalinayey xasaradaas xuduudda ka dhacday iyo sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka iyo xasiloonida Xuduuddda labada dhinac, si loo xaqiijiyo ineysan arimahaan oo kale aysan dib u dhicin.
3. In dhinacna dhinaca kale uusan wax dhib ah oga imaanin xagiisa si amniga xuduudda loo adkeeyo.
4. Heshiiskaan marnaba kuma jirin kumana saabsaneyn wax maxaabiis is dhaafsi ah, anigoo qodabkaas sii cadeynayana
Waxaa xusid mudan in isla xiligaas aan Madaxweyne Cabdi Cumar ka codsaday inuu igu sharfo soo deynta Maxbuus Reer Galmudug u dhashay oo xiligaa ku xirnaa halkaas lana oran jiray CALI CILMI KHAYRE taas oo ay Madaxweynaha Dowlad Deegaanku ay ku adkaatay asagoo leh anigu awood uma lihi inaan qof xukun maxkamadeed uu ku dhacay aan siidaayo oo sharciga iima ogala aniguna waa ka garwaaqsaday, marka haddii uu jiray wax maxaabiis isweydaarsi ah oo aan heshiis ka wadagaarnay markaas ayaa Maxbuuskaas nala soo siin lahaa.

Gabagabadii waxaan rabaa inaan markale ku celiyo in nuxurka heshiiskaas uu ahaa sidaas aanana quseynin isdhaafsi Maxbuus.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment