Sawirro: Munaasabad lagu xusayay maalintii la aasaasay dowladda Shiinaha oo Muqdisho lagu qabtay

Bulsha:- Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagayay 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladda Shiinaha , iyadoo munaasabadaasi ay ka qeybgaleen madam ka tirsan dowladda.

Madaxda lagu casuumay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka iyo safiirada dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho.Masuuliyiinta munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo Marxaladaha kala duwan uu soo maray, sidoo kale waxaa si weyn loo amaanay doorka hormarka Soomaaliya uu ku leeyahay Shiinaha, sida Dhismaha, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ugu Hambalyeeyay Shacabka Shiinaha Maalinta la aas aasay dowlada dalkaas, “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxda iyo Shacabka dowlada Shiinaha 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladooda, Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkooda wuxuu soo bilowday sanadkii 1960-kii, tan iyo markaas Shiinaha Soomaaliya waxay la garab taagnaayeen taageero wax ku ool oo dhinac kasta ah, waxaan ka codsaneynaa Dowlada Shiinaha inay Soomaaliya oo wadada hormarka cagta saartay ay dhaqaalaha iyo dhismaha guud ahaan dalka ka taageeraan” ayuu yiri Mudane Jawaari.Safiirka Dowlada Shiinaha ee Somalia Qin Jian oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in Somalia uu kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, Dowladda Shiinahana ay Soomaaliya ka fulisay 89-Mashaariic, oo ay ka mid tahay Dhismaha Tiyaarta Qaranka, Garoonka Kubada cagta ee Muqdisho, Isbitaalka Digfeer, dhismaha Waddooyin waa weyn iyo Mashaariicyo kale.
Safiirka wuxuu sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideysteen sdia Dhaqaatiir Soomaali ah oo ku soo wax bartay Shiinaha, dhinaca kale wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan Mashaariicda hormarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin isbedelada dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ee Soomaaliya ka hanaqaaday.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment