MUUQAAL: Odayaasha Puntland oo ku Dhowaaqay inay Reer Puntland dagaal La galaan Galmudug iyo Xiisad Cusub

Bulsha:- Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin oo kamid ah waxgaradka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa ku Baaqay inay Shacabka Puntland Dagaal la galaan Galmudug, Wuxuuna sheegay inay Jebisay Galmudug Heshiisyo ay galeen, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Dad lagu dilay Gobolka Mudug.


Waxa uu Xusay in Galmudug Xiliyada lagu Jiro Shirarka Nabadaynta ay Ciidamo Diraan, Wuxuuna Sheegay inuu Puntland Dulqaadkii ka dhamaaday. “Qaybta Galmudug ee dagan gaalkacyo Ma Rabaan Nabad, Reer Puntland waxaan Ugu Baaqayaa Nimanku Nabad Ma Rabaan ee aynu iska Celino.” Ayuu yidhi Nabadoon Xaarin.
Hadalka Nabadoonka ayaa kusoo beegmaya Iyadoo maanta uu dagaal u dhexeeya Maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada dhinac uu dagaal dhexmaray.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment