Maxaad sameyn laheyd haddii la jabsado aaladda kugu rakiban adiga oo saaran sariirta qaliinka!

Bulsha:- Ka waran haddii la jabsado aaladda kugu rakiban adiga oo saaran sariirta qaliinka ama isbitaalka ama loo dhoco habka quwadda korontada ee makiinadaas ku shaqayso.

Waa waxyaabaha suurtogalka ah ee maalin kasta nala soo gudboonaanaya , dhibka ugu weyna waxa uu ka jiraa in shirkado badan aysan kaba warhaynin illaa heerka halista ay wajahayaan qalabka ay isticmaalaan ee qadka internetka ku rakiban.

Xeeldheerayaasha amniga qadka internetka ayaa ka digaya halistaas.

Waxa ay ahayd maalin iska caadi ah isbitaalka mashquulka badan, dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ayaa u kala degdegaya sidii ay u daweyn lahaayeen bukaanada la keenayo isbitaalka.

Ninka lagu magacaabo Xuseen Sayid ayaa madax ka ah qeybta amniga aaladaha ee shirkad adeegyo caafimaad qabata oo ka shaqo gasha dalka UK.

Waxa uu mas’uul ka yahay wax ka badan 300,000 kumbuyuutar, 300 adeegyada casriga ah, xarun macluumaadka lagu kaydiyo, iyo dhamaan qadka ku xiran taleefoonada isbitaalada ay ku shaqeeyaan.

Balse markii uu sameeyay baaritaan waxa baaritaankaas lagu ogaaday in wax ka badan 70,000 oo qalab dheeraad ah oo isbitaalada yaala ay ku shaqeeyaan qadka internetka, waxaana xitaa ka mid ah dab-kaydiyayaasha, iyo kaamarooyinka ku rakiban xarumaha.

Qalabkan dheeraadka ah ma ahayn mid u diiwaangashan shirkadda in ay interner ku shaqeeyaan, waxayna ka dhigantahay sidii albaabo dheeraad ah oo aadan gurigaaga ku ogeyn oo tuugada kasoo gali karaan oo kale.

“Waxaan ogaanay in waxyaabo aad u badan oo aana horay uga warhaynin in ay qadka internetka ku shaqeeyaan, waxaana suurtogal ahaan lahayd in burcadda jabsata aaladaha ay qalabkan uga soo dhici kareen in nidaamka oo dhan ay jabsadaan” ayuu yiri Xuseen oo BBC-da la hadlay.

Waxyaabaha ugu badan ee burcadda ay raadiso ayaa ah xogta caafimaadka oo marka suuqa madoow lagu iibiyo ay 50 jeer ka faa’iido badantahay marka kaararka bangiyada la jabsado.

Adeegyada ay bixiyaan shirkadaha ka shaqeeya badqabka iyo amniga internetka sida ForeScout, Solar Winds, IBM, SecureWorks, Gigamon ayay muhiimadooda sii kordhaysaa maadaamaa qalabka oo dhan ay maalmahan noqdeen kuwa ku shaqeeya qadka.

Waxa halista kor usii qaadaya ayaa ah in qalabkan aanan caadi ahaan loogu talogalin in qadka lagu isticmaalo, balse loo sameeyay in internet lagu rakibi karo sida qaboojiyeyaasha, baabuurta iyo waliba qalabka wax lagu nadiifiyo ay yihiin kuwa aanan lahayn awoodda barnaamijka lidka virus-ka.

“Dhibaatada jirta ayaa ah in markii qalabkan la samaynayay aanan maanka lagu haynin halista amniga, burcadda internetka waxa ay hadda awood u leeyihiin in ay xitaa siday doonaan ka yeelaan leerarka taraafika, wiishashka dhismayaasha, waana halis badan oo xag amni ah ” ayuu yiri ninka lagu magacaabo Tom Reilly oo ah xeeldheere xagga tiknoolajiyadda.

Si halistaas looga hortago waxaa lasoo saaray aalado yaryar oo lagu rakibo qalabka kala duwan ee internetka isticmaala, aaladahan cusubna waxa ay sahlayaan in shirkadaha la socda dhaqdhaqaaqa amniga qadka internetka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in ay jirto halis aad u weyn oo balse aanan muuqanin, taas oo ay soo kordhayso suurtogalnimadeeda.

BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment