Bulsha:- Gabadhani ayaa xubnaha jirkeeda dadka ay ugu deeqday waxaa ka mid ah shan caruur ah .
Jemima Layzell, oo ka soo jeeda magaalada Somerset ee dalka UK,islamarkana dhimatay sanadii 2012, ayaa ku deeqday Wadnaheeda,Xamayti,sambabka,Beerka,iyo Kiliyaheeda.
Waalidiinta Jemima ayaa waxa ay sheegeen in gabadhooda ay ahayd mid firfircoon ,hal abuur leh islamarkana ay ku faraxsan yihiin waxa ay ka tagtay ee lagu xusuusanayo .
Dhaqaatiirta isbataalkii ay ku dhimatay gabadhani ayaa waxa ay sheegeen in uusan jirin qof kale oo xubno jirkiisa ka mid ah oo tiradani dhan ku deeqay inta ay taariikhda ogyihiin.
Jemima ayaa taagnida ka dhacday xilli ay hoyadeed isu diyaarinaysay dabaaldaga dhalashadeedii 38aad waxa ayna dhimatay afar maalmood ka dib.
Wadnaheeda ,mindhicirka iyo xamaytida ayaa waxa loo galiyay oo lagu talaalay saddex qof oo kala duwan.

Sidoo kale Kiliyaha gabadhani ayaa waxa la siiyay laba qof oo kala duwan.
Beerkeeda ayaa laba loo qaybiyay islamarkana waxa lagu kala talaalay laba qof oo kala duwan.
XIgasho: BBC
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment