Daawo Mucjio:- Ilmo bil dhallan oo ay 7 illig usoo baxeen!

Bulsha:-  Dhaqaatiir ku sugan gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa 7 ilkood ka bixiyay ilmo yar oo bil uun dhallan.

Sida ay kusoo waramayso wariyaheena Hindiya Sushila Singh, waalidka ilmahan dhalay ayaa dhaqtarka geeyay kadib markii ay hooyadiis dhibaato kala kulantay marka uu naaska jaqayo maadaamaa uu ilko leeyahay ilmaha oo uu qaniinayo naaska.

Dr. Meet Ramatri ayaa BBC-da u sheegay in qaliinka lagu sameeyay ilmaha ee ilkaha looga bixiyay kadib ay xaaladiisu fiicantahay ilmahan yar.

Waa arrin kheyru caadi ah in ilmo bil jira ay ilko usoo baxaan.

Lama oga sida arrintan u saamayn doonto ilmahan mustaqbalka marka uu gaaro xiligii ay ilkaha usoo bixi lahaayeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment