Bulsha:- Horraantii bishii August, xubno katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle waxa ay sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen, islamarkaana ay shaqada ka eryeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib codeyn muran badan ka dhashay oo aaqirkii sababtay in xukuumadda dhexe ee Soomaaliya ay farageliso kadibna ay ku dhawaaqdo in ay taageersan tahay go’aanka baarlamaanka Hirshabeelle, iyada oo wasaaradda arrimaha guduhu ee Soomaaliya amartay qabashada doorashada madaxweynaha Hirshabelle.
Sida muuqata, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa la soo xiriiraya Cismaan Barre, kadibna iswareysi iyo kaftan kadib waxa ay gelayaan sheeko soconeysa in ku dhow nus saac, taas oo ay ku jiraan wax badan oo ku saabsan sida ay u dhacday xil ka qaadista Cali Cosoble, kaalinta xukuumadda dhexe iyo doorka xildhibaano federaalku ay ku lahaayeen in la hindiso mooshin ka dhan ah Cosoble lana meel mariyo.



Guddoomiyaha baarlamanka HirShabelle, ayaa si cad u sheegaya in qadka uu ka dambeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isaga oo dhinaca kale amaanay madaxweyne Farmaajo oo uu ku sheegay nin mas’uul ah oo degenaan ay ka muuqato.
Haddaba Sheekadan lagu duubay softiga All Call Recorder; oo kamid ah aaladaha lagu duubo codka ee loo adeegsado Mobile-ka, oo aad u xiiso badan iyo warbixin ku saabsan hoos ka dhageyso.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment