Xasan Sheekh oo shir kaga qeyb galaya Dalka Koofur Afrika (Sawirro+Warbixin)

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koofur Afrika uga qeyb galaya shir looga hadlayo caqabadaha heysta Afrika.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Thabo Mbeki Foundation Madaxweynihii hore ee Koofru Afrika ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynayaal hore oo ka kala socda Tanzania, Tunisia, Nigeria iyo Soomaaliya.

Waxaa shirka diirada lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, dowlad wanaaga, siyaasada iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu shalay ka degay magaalada Johannesburg la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka safarkiisa uu ku qotomo ka qeyb galka shirka ay isugu imaanayaan Madaxdii hore, ayna isla wadaagi doonaan sida Afrika muhiim ugu tahay in xal loo helo caqabadaha heysta.

“Dalkan Koofur Afrika waxaa u imid inaan ka qeyb galo shir ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaashoo hore ee Qaaradda Afrika iyo dad waxgarad ah, shirka waxaa looga hadlayaa, hoggaanka Qaaradda, waxaa lagu wadaagayaa waayo aragnimada”ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fagaarayaasha ka maqnaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii 8-dii February ka dhacday magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment