Bulsha:- Waxaa saaka oo Talaado ah dadka Kenyanka ay u dareereen goobaha codbixinta iyadoo ay furmeen inta badan goobaha uu guddiga doorashada sheegay in codka lagu dhiibanayo.
Muwaadiniin ka badan 19 milyan oo ruux ayaa doorashadan codkooda ka dhiibanaya.
Tartanka ugu adag ayaa u dhexeeya musharixiinta loo badinayo inay codadka ugu badan hogaamin doonaan oo kala ah Madaxweyaha hadda xukunka haya Uhuru Kenyatta iyo musharaxa isbahaysiga mucaaradka Raila Odinga, oo xilka madaxtinimada illaa saddex jeer oo hore u tartamay, kuna guuldareystay.
Warar hadda soo baxaaya ayaa sheegaya in la soo gabagabeeyay codbixintii waxaana socta tirinta codadka oo lagu wado in ay soo gaarto ilaa caawa saqdhexe.
Madaxweynaha hadda haya xilka ahna musharaxa doonaaya in mar kale uu hogaamiyo dalka iyo Raila Odinga ayaa siyaabo kala duwan u shaaciyay in midba midka kale uu ka guuleysan doono.
Madaxweyne Kenyatta ayaa codkiisa dhiibtey duhurtii isagoo ka codeeyay deegaanka uu ka soo jeedo ee Gatundu, Waqooyiga Nairobi. Hogaamiyaha mucaaradka Mr Odinga ayaa codka ka dhiibtay xaafada isku raranta ee Kibera magaalada Nairobi.

Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo dhinaca kale sheegay in uu aqbali doono natiijada doorashada marka laga dhawaaqo.
Dhinaca kale, Dadka ayaa isla dhexmaraaya inuu guuleysan doono Madaxweynaha hadda haya xilka Uhurro Kenyatta oo isagu helaaya codadka ugu badan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment