Bulsha:- Ka dib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaal iyo Waxgaradka ayaa waxay heshiis ka gaareen dil magaalada Muqdisho loogu geystay Xoghayihii Maxkamada sare ee dalka Marxuum Mursal Aw-Cumar Cusmaan.
Odayaasha ayaa sheegay in labada reer kan wax dilay iyo midka la dilay ay ku heshiiyeen iney diyo kala qataan ka dib wada hadalo mudo u socday.
Xuseen Nuur Xeyle oo ah adeerka shaqsiga dilka geystay ayaa mag dhan sagaashan kun oo dollar (90,000) ku wareejiyay Saciid Aw-Cumar Cusmaan oo ah Walaalka Marxuumka la dilay.
Aabaha Marxuumka la dilay Aw-Cumar Cusmaan oo ku sugan magaalada Burco ayaa u soo wakiishay Wiilkiisa Saciid Aw-cumar Cusmaan inuu soo qaado Magta la kala qaadanayo.
Shaqsiga dilka geystay oo lagu magacaabo Faarax Cali Nuur Xeyle ayaa darawal u ahaa Taliyihii hore ee Nabad sugida Generaal Gaafow,kaasi oo hadda ku jira gacanta Dowladda.
Heshiiska ay wada gaareen Odayaashan ayaa ka dhacay xarunta Maxkamada Gobolka gaar ahaan Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment