Tabu Qamriga Miyee Cabtaa. Diin Nooce Ah Ayee Heesata, Yee Bollywoodka Ka Taagertaa Wax Ka Ogow!!

Bulsha:- Atariishada Tabu waa mid kamid ah atariishoyinkii ugu quruxda badnaa 90kii waa atarisho aan ilaa iyo hada guursan ayadoo fanka mudo dheer kusoo jirtay da’deeduna ay tahay 45 sano.

Tabu magaceeda Rasmiga ah waa Tabassum Fatima Hashmi naaneesteda ama ama magaca dadka ay ugu yeerana uu yahay Tabu.

Xidigtaan diinta ay heesato waa diinta Islaamka waana atariisho fanka maqaam sare kuleh, Tabu ma aha shaqsi qamriga caba ama sigaarka caba waa shaqsi aan balwad laheyn, taasi bedelkeeda waxay jeceshahay dhowr waxyaabod inee waqtiga ku lumiso marka ay fursada heeso.

waxaa kamida waxyaabaha ay xidigtaan jeceshahay inee Gabayo ama geeraaro qorto sido kale buugaagta noocyadooda kala duwan ayee jeceshahay inee aqrisato waayo waa qof wax aqris badan.

Tabu cunoyinka kala duwan waxay ka xiiseesa oo ay marwalba jeceshahay inee cunto Sambuuska (Samosa), ogow Tabu waa atariishada kaliya ee aan timaheeda wax isbedel ah kusameynin.
waxaan ola jeedna ma aha atariishoyinka baruukada isticmaalo ama timaha bugta ah tan iyo markii ay fanka soogashay Style ka timaheeda marnaba ma aysan bedelin xidigtaan oo timaheeda rasmiga ah ayee filimada ku jileysay.

dhanka kale xidigtaan waxay xiriir lasameysay balse aysan guursan sedex xidig kuwaaaso kala ah Filimsameye iyo filim qarash gareye Sajid Nadiadwala, atooraha Bollywoodka ah eeSanjay Kapoor iyo waliba atooraha reer Telugu ah ee Akkineni Nagarjuna sida lashegay balse midna ma aysan guursan oo ilaa iyo haatan waa shaqsi nolosha kali ku ah.

Tabu Bollywoodka waxay ka taagerta halyeeygii hore ee Bollywoodka Sanjeev kumar kaaso aan maanta dunida ku nooleyn balse 70kii atoore awood balaaran ahaa sido kale Super Star Rajesh Khanna la tartami jiray.

sido kale aflaamta waxay ugu jeceshahay filimkii Golmaal ee la daawaday sanadkii 1979 waana Golmaal ka rasmiga ah uuna hogaamiye ka ahaa Amol Palekar waana filim weyn.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment