Bulsha:- Waxaa hori loo xaqiijiyay in Anil Kapoor Iyo Aishwwarya Rai wada sameyn doonan filimka Fanney Khan Sidoo mudo 18 sano ka dib shaashada kasoo wada muuqan doonan.
Maadaama filimkaan Anil iyo Aishwarya hogaamiye ka yihiin waxaa la hadal heeyay inay jaceyl ku wadaagi doonan laakiin waxaa hadal laga heeya Anil Kapoor oo sheegay inuu Aishwarya jaceyl kula wadaagi doonin filimka Fanney Khan.
Anil Kapoor Iyo Aishwarya Rai Bachchan waxay hori u wada sameeyeen filimada Taal iyo Humara Dil Aapke Paas Hai oo guul weyn gaaray labadaba.
Filimka Fanney Khan fariin ahaan wuxuu ku saabsan yahay Music sida qorshaha yahay filimkaan ayaa duubis lagu bilaabi doona bishaan dhamaadkeeda.

Anil Kapoor Iyo Aishwarya Rai Bachchan marka laga soo tago filimkaan waxaa door muhiim ah ku yeelan doona atiriishada reer Pakistan ee Mehwish Hayat sida qorshaha yahay waxaa la daawan doona April 2018.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment