Sideen ku yeeshaa dabeecad soo jiidasho leh, 6 qodob Oo Kuu Sahlayo Inad Soo Jiidasho Yeelatid..

Bulsha:- In badan oo nolosha ka mid  ah waan ka caajisnaa in aan xiriirino wanaga  dhanka dadka kale,in aad yeelaatid dabeecad soo jiidasho leh waxay u baahanatahay marka hore in aad ka fiirsatid waxa aad ku halayso loomana baahna in aad isaga hadaaqtid wixi markaas afkaaga soo qabto waayo waxay kuu keeneysaa hadalada noocaas ah in ay sumcadaada hoos u dhacdo aadna yeelan weydo dabeecad aan wanagsaneen.

Mararka qaar waxaa dhici karto in aad ku hadashid ereyo aan munaasib ku aheyn meesha aad markaas ka hadlaysid,sheekadeena waxay tahay soo jiidashada usluubta wanaagsan,taas  oo ay xoojinayso xiriirka bulshada kala duduwan ee aad la nooshahay, hadii aad joogteysana ay kuu noqon karta mid aad uwanagsan oo fudud.

Sideen uga dhigi karaa dabeecadeyda mid soo jiidasho leh?

Akhlaaqda wanaagsan ee soo jiidashada leh ama sida dadka kale  lala tacaamulo arintaasna ma han mid adag,yaa ku jecel yaana ku ixtiraama,waxaan soo gudbinaynaa sidii aad ku yeelan laheed asluub soo jiidasho leh waxaana ka mid ah:

1.noqo qof kheer rajeeya arimaha noloshada ku aadan: in aad wax fiican rajaysid waxay kuu suura gelinaysaa in aad gaarto hormar wanagsn

2.noqo qof dagan :in aad noqotid qof dagan waxay ka mid tahay waxyaalaha ka caawin karaan in aad nqotid qof soo jiidasho leh,hana qonin qof caro badan waayo carada badan ama xanaaqa badan waxaa asal u ah sheydaan sheydaankana wanag kuuma samaeynaayo in uu wax kaa haleeyo maahanee,qofka aan caro badneed waxaa hubaal ah inuu yahay qof dabeecad leh.

3.Noqo qof wax dhageysta: marka ay kula hadlayaan bulashada ama dadka aad markaas la nooshahay waa in aad dhagaysataa,marka aad dadka dhageysatid waxay kuu arkaayaan in aad ixtiraamaysid hadii aad dadka kale ixtiraamto adiga waa lagu ixtiraamaayaa bulshada dhexdeedana qiimo iyo sharaf ayaad ku yeelanaysaa.

4.Hadalka wanaagsan waa sadaqo:marka aad dad la hadlaysid waa in aad adeegsataa ereyo markaas ku haboon qofka aad la hadlaysid ,aad kula hadasho ereyo ku haboon  islamarkaana ku qanci karo qofka aad la hadlaysid,qofka markaas uu jeclaado adiga sidaas aad ku khasbatid kalsoonida qofkaas.

5.wax fiican ku hadal ama iska aamuus:hadalkaaada waa in uu kheer yahay marka aad hadlayso waxa aanan danbi kaasoo gaareynin ku hadal hadii aadan sheegin waxaa fiican in aad iska aamuustid sidaa ayaa fiican danbiga kaa soo gaareynin adiga sharafweyn ayay kuu tahay.

6.Dhoolo cadeyn: waa in aad mar walbo ahaataa qof dhoolo cadeya faraxsan islamarkaana waji fur furan,waxay ka mid tahay dabeecada wanaagsan ee aad kusoo jiidan kartid dadka .

Ugu danbeystii noqo mid ay wada jecelyihiin dhamaan bulashada isku day in aad ka fogaatid waxyaalaha dhibka kuu keeni kara,dadkana haka leexinin dhafoorkaada marka aad la hadlaysid ha yasin oo si toos u fiiri.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment