Qofka Aad Dooneysid Inaad Ka Xaqiijiso Inuu Ku Jeceyl Yahay Waxaad Isticmaali Kartaa Habkaan Cajiibka Ah.

Bulsha:-  Marka ay timaado luuqada dadka wax jecel waxa lagu garta maaha kelmadaha macaan ee uu yidhaa, balse waa sida uu yidhaa, sidaa darteed dadka wax jecel inta badan codkooda wuxuu iska beddela sida caadiga ah ee ay u hadlaan.

Marka ay hor fadhiyaan amma ay la hadlayaan qof dareen caashaq kaga jiro, kuwaaso u hadla habka ay is leeyihiin qofka waad u soo jiidan karta, sidaa waxa lagu sheegay cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda University Stirling ee dalka Scotland.

Daraasada oo laga qaaday 110 qof oo lammaane is jecel ah oo ka soo kala jeeda England iyo Jamhuuriyadda Czech, kuwaasoo raggu ku hadlaan luuqadaha English iyo Czech, waxaana soo baxday in marka ay lammaanahooda la hadlayaan hadalkooda amma kelmadaha ka soo baxaya ka dhigaan qaar soo jiidasho leh.

Waxa kale oo la ogaaday in raggu codkoodaugu hooseeya ku hadlaan marka ay haweenka la hadlayaan, gaar ahaan gabadha ay jecel yihiin, halka ta aanay dareenka kalgacal u hayn codka u dheereeyaan.

Cilmi-baadhistu waxay xustay in haweenka codka noocaas ah maqlaa dareen galo, isla markaana ay u nugladaan ninka sida dabacsan ula hadla.

Khabiirka hoggaaminaayey baadhitaankan Mr. Juan David Leongomez, ayaa sheegay in codadka waaweyn iyo kulaylka badan ragga waqtida qaar u wanaagsan yihiin, balse haweenka ay jecel yihiin kaga cararaan.

“Cilmmi-baadhistayadu waxay iftiimisay in bina’aadamku codka isu jecladaan, gaar ahaan haddii qofku ku hadlo cod soo jiidasho leh oo luuqad iyo erayo macaan ku lammaan yihiin.

Khaas ahaan ragga waxa muhiim u ah in ay codka ragganimada leh ee weyn amma aan naxariista badan lahayn ku hadlaan, balse marka xagga lammaanaha laga eego waxa ay keenta dhib iyo in is fahan waa dhex maro gabadha iyo ninkeeda, waxaana fiican in raggu haweenka cod dabacsan oo erayo naxariis badan ku jirto kula hadlaan,” ayuu yidhi Mr. Juan.

Cilmi-badhayaashu waxa kale oo natiijadoodu noqotay in raggu gabadha aanu ka helin cod adag oo aan naxariis lahayn kula hadlo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment