Bulsha:- Super Star Ajey Devgan iyo Xaaskisa Kajol Devgan taaso ayadana fanka awood balaaran kulaheed 25 sano ee lasoo dhaafay ayaa markale shaashada kuwada midoowi doonaan.
Ajey iyo Kajol waxay wada sameyeen aflaam guulo lixaad leh gaareyn iyo kuwa ka guuldaresteenba waxayna isugu jiraan filimada kala ah Gundaraaj (1995), Hulchul (1995), Ishq (1997), Pyaar To Hona Hi Tha (1998), Dil Kya Kare (1999), Raju Chacha (2000), U Me Aur Hum (2008) Toonpurka Superhero (2010).
hadaba markaan ayee rabaan 7 sano kadib inee filim wadasamyeen maadama filimkooda ugu dambeyay ee ay iska soo muuqdeen laga joogo mudo 7 sano ah.
Ajey oo arinkaa cadeynaya wuxuu wargeyska maalinlaha ah ushegay sida tan,” Haa waa run aniga iyo Kajol ayaa filim wada sameyneeno waliba filimkaas waxaa Director ka ah Pradeep Sarkar inkastoo markii hore Raj Sarthi dhankiisa waxba ka hagaagi wayen balse markaan waan wada sameyneena aniga iyo Kajol.”
waa arin aad oga farxisay taagerayasha lamanahan maadama hadalkaas Ajey yiri, dhanka kale Kajol waxay amaan lixaad leh kuheshay filimkeedi udambeyay ee koonfurta ahaa kaaso ahaa VIP 2 walibana uu la hogaaminayey Dhanush.
Ajey dhankiisa waxaa 1 Sept ee sanadkaan 2017 tiyaatarada loosaari doona filimkiisa Baadshaho kaaso ay lahogaamiyaan Emraan Hashmi, Ilean D’Cruz, Vidyut Jammwal, iyo waliba Esha Gupta.
sido kale filimkiisa kale ee Golmaal Again asna wuu soo gabagabeyay duubistiisa wuxuuna qorshaha yahay in la daawado Oct 19keeda ee isla sanadkaan 2017.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment