Bulsha:- Dhawaan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa filimka weyn Race 3 ee uu hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan waxaana Director ka noqon doono Remo D’Souza halka shirkada Tips oo taxanahaan caan ku ah maal galin doonto.
Atirishada Jacqueline Fernandez maalmo ka hor waxay sheegtay in Race 3 lagu dhawaaqi doono sidoo kalena iyada qayb ka tahay mashruucaan madaama ay qaybtiisii labaad door muhiim ah ku laheyd.
Balse haatan warar cusub ayaa sheegayaan in Salman Khan uu kala hadlay kooxda filimkaan atirishada Daisy Shah lagu soo daro waana gabadhii uu filimka Jai Ho kusoo caan bixiyay.
Jacqueline Fernandez waxay walaac ka qabtaa in mashruuca Race 3 laga saari doono ama atirishada Daisy Shah door wacan laga siin doono filimkaan waxayna markii hore saxaafada u sheegtay in Race 3 iyada iyo Salman Khan oo kaliya sameyn doonaan.

Filimka Race 3 waxaa lagu dhawaaqi doonaa dhawaan marka uu Salman Khan soo gaba gabeeyo duubista Tiger Zinda Hai qorshahana wuxuu yahay in Race 3 la daawado Eid 2018 waana filim Action, qayaano iyo xarago dhameestiran looga bartay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment