Bulsha:- Filimka Poster Boys waa mid hadal heyntiisa aad u sareyso lana daawna doono 8-da bisha September ee nagu soo fool leh waxaana wada jilayaan Sunny Deol, Bobby Deol iyo Shreyas Talpade.
Atirishada Samiksha Bhatnagar oo filimka Poster Boys ku mataleyso Bobby Deol xaaskiisa ayaa dhaawac u geesatay xidigaan xili filimkaan muuqaal ku jiro la duubayay.
Samiksha Bhatnagar waxaa laga dalbaday inay aad isku xanaajiso kadibna ay agab aqalka yaalo ku dhufato Bobby Deol, balse xanaaqeedii ayay xakameyn weesay waxayna ku dhufatay Bobby agab adag oo aqalka yaalay taasi oo sababtay in Bobby dhaawac soo gaaray!
Samiksha Bhatnagar oo aflaanta musal salka sameyn jirtay ayaa ka naxda ficilkii ay Bobby Deol ku sameesay balse jilaagaan oo waaya arag ah ayaa u sheegay atirishadaan inay is dajiso wax walbana aysan dhib laheyn.
Director Shreyas Talpade ayaa u sacabo tumay Samiksha Bhatnagar wuxuuna u sheegay in muuqaalkan uu noqday midka ugu xiisaha badan filimka Poster Boys madaama ay si run ah Bobby Deol u garaacday!

Samiksha Bhatnagar ayaa u mahad celisay Bobby Deol waxayna sheegtay doorkeeda ay ku mataleyso marwo xanaaq badan oo seygeeda ka awood badan uu yahay mid xiiso badan daawadayaasha ka heli doonaan marka filimkaan tiyaatarada la saaro.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment