Bulsha:- Aadan Barre Ducaale ayaa mar kale difaacday kursiga deegaan baarlamaaneedka Gaarisa oo ka mid ahaa kuraasta sida aadka ah loogu loolamayay, si gaar ahna isha loogu haayay.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah, iyadoo Aadan Barre Ducaale uu helay codod dhan 22,587, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Faarax Macalin uu helay codod dhan 14,897.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo la hadlay warbaahinta, markii natiijada lagu dhawaaqay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in markii 3aad ee loo doortay kursiga, waxaa uu balan qaaday inuu dadkiisa si cadaalad iyo sinnaan ugu adeegi doono.
Faarah Macalin oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa ku sugneyn goobtii loogu dhawaaqayay natiijada kama dambeysta ee doorashada deegaanka Gaarisa, walina wax war ah kama soo yeerin natiijada la shaaciyay inuu ku qancay iyo in kale.

Doorashada Kursiga Xildhibaan ee Gaarisa ayaa ahaa mid aad isha loogu haayay, iyadoo ay si adag ugu tartameen labada siyaasi ee ugu tunka weyn Gobolada waqooyi bari ee Kenya oo ay Soomaalidu degto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment