Xog: Beesha caalamka oo ka walaacsan saameynta Al-Itixaad ee xukuumadda Siilaanyo

Bulsha:- Wakiilada reer galbeedka ee Somaliland ayaa ka walaacsan saameynta kooxda Al-Itixaad Al-Islaami ee kusii kordhaya maamulka madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, sida ay sheegeen ilo-diblomaasiyeed.

Walaacan ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay dabaayaqadii sanaddii tagtay, markii wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu dibadbaxyo ka dhan ah Britain u adeegsaday hogaamiyayaasha kooxda Al-Itixaad ee Somaliland.

Ilo-diblomaasiyeed ayaa sheegay in markii Britain ay kasoo horjeesatay dib u dhigga ay Somaliland ku sameysay doorashada madaxweyne, uu Maxamuud Xaashi Cabdi abaabulay dibadbax ay qeyb ka ahaayeen hogaamiyayaasha Al-Itixaad ee Somaliland, oo looga soo horjeeday safiirkii hore ee Britain ee Somalia Hurriet Mathews.

Bilo kadib ayaa Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu Siilaanyo ka dhaadhiciyey in xubno Al-Itixaad ah ay ka mid noqdaan golaha diinta Somaliland, waxaana ka mid ah Xasan Sheekh Cali Warsame, oo uu dhalay Sheekh Cali Warsame, oo ah ninkii aas-aasay kooxda Al-Itixaad.

Xiriirka reer galbeedka iyo Somaliland ayaa sidoo kale sii xumaanayey tan iyo markii Somaliland ay ku guul-darreystay inay qabato doorashada madaxweyne, oo waqtigooda dib uga dhacday muddo ku dhow labaatan sano.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment