DEG DEG: Maxaabiistii Soomaliyeed ee Itoobiya ku xidhneyd oo hadda Muqdisho Laga Soo dajiyey (Sawiro)

Bulsha:-Inkabadan boqol maxaabiis Soomaali ah kuna xirnaa xabsiyo ku yaal dalka Ethiopia ayaa fiidnimadii caawa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta maxaabiis Soomaaliyeed  oo dhawaan Dowladda Itoobiya ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya .

Maxaabiistaan ayaa sii deyntooda waxaa ka heshiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia iyadoo ay jiraan weli heshiisyo kale oo ay labada dal kala saxiixdeen.

Soomaali badan ayaa sii marta dalka Ethiopia iyagoo doonaya in ay ugaga sii tahriibaan wadamo kale hase yeeshee dowlada Ethiopia ayaa xabsiyada dhigta tahriibayaashan oo badankood ah dhalinyaro.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment