Sushant Singh Rajput “ Uma Maleynaayo In Sara Ali Khan Ay Wax Dhib Ah Kadareymeeso Qaabke Bollywoodka Kuso Gali Laheyd”

Bulsha:- Atooraha lagu magacaabo Sushant Singh Rajput kaaso ah atoore aad u mashquulsan misane ku mashquulsan shaqadiisa Bollywoodka ayaa aaminsan in Sara aysan caqabad kala kulmi doonin soo galida ama sameynta filimkeda koowaad.

Xidigaan oo ku howljira mashaariicdisa kala duwan ay ka mid yihiin Chand Mama Door ke, Drive, Kedarnath iyo waliba RAW ayaa saxaafada wareysi siiyay.

WARAR DHEERAAD AH:
Waxaaana wax laga weydiyay gabadha uu dhalay Saif Ali Khan ee Sara Ali Khan taaso kusoo caan bixi doonto filimka uu Xidigaan atooraha ka yahay ee Kedarnath kaaso dhawaan duubis lagu bilaawi doono.

SSR oo hadlaaya wuxuu yiri,” waxaan dhawaan bilaawi doona isu diyaarinta duubista filimka Kedarnath, waan la kulmay Sara waliba meelo munaasib ah ayaan isku aragnay xaqiiqdii waa gabar firfircoon oo dhalaaleysa.”

“Aadbee isugu kalsoontahay gabadhani waliba waxay kalsooni buuxdo ku qabtaa inee Bollywoodka heersare ka gaari doonto, waana hubaa inee dadaal dheerad ah la imaan doonto Sara.”
Filimka Kedarnath waxaa hogaaminayan Sushant Singh Rajput waana filimka la rabo in Sara Ali Khan lagu oo caan bixiyo waxaana Director ka ah Abhishek Kapoor kaasona la filaayo in goor dhow duubis lagu bilaawi doono.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment