SIDEE AYAAD KU OGAAN KARTAA QOFKA KU JECEL IYO QOFKA ISKA KAA DHIGAAYO QOFKU JECEL

Bulsha:- Aqriste marka waxaan rabaa in aan wax uun kaaga fasiro sida aad ku kala ogaan kartid qofka ku jecel iyo qofka iska dhigaa inuu ku jecelyahay adiga. Hadaba iska jir qofka leh tilmaaha aan hoos ku xusi doono, kuna sheego doono inuu ku jecelyahay/jeceshahay kuma jeclo, mana ku jeclaan doono:

Waa qof aan ku qaddarineynin, isla markaasna ay la xunyihiin waxwalba oo aad adiga soo jeedisid.

Waa qof aan kugu kalsooneen, oo waxwalba oo xumaan ah kaa suga.
Waa qof ku caaynaaya markuu kula hadlaa, oo aan afkiisa eray macaan laga maqleynin inuu asiga goaansaday maahane, micnaha aad adiga wanaag kasta oo aad sameysid agtiisa xumaan ka yahay, laakiin adoo xumaan ku sameeyay iska kaa amaanaa mararka qaarna.
Waa qof marka aad aragtid aad isku diyaarineesid sida aad isku difaaci laheeyd, iyo erayadii aad ku raali gelin laheeyd.

Waa qof aan hadalkaaga waxba ka soo qaadin, in aad ooysid iyo in aad qosleysidna iskugu midyihiin.
Waa qof aan xushmeynin rabitaankaaga, dhageysanin dareenkaaga, dalyeelin darenkaagana, balsa kaa sugaa adiga ama u arko in ay waajib kugu tahay in aad daba socotid, oo aad baahidiisa nooca walba leh buuxisid suaal la’aan.
Waa qofka ayagoo dad kale joogaan mucaarad kugu ah, ka soo horjeedo fekerkaaga, isla maarkaasna canbaareeynaayo ama kugu canaananaaya saaxiibadiis/saxiibadaa ama aqayaar kale hortooda.
Waa qof waalidkaa neceb, kaaga sheekeeya xumaantooda, wiilsha iyo gabdhaha kula dhashay aanba la tusi karin. Jecel in aad kala hartaan asaxaabtaada, marwalba oo aad la kulmeysidna qiil u sameeyo si aad ula joogtid guriga asiga, ayagane aad balantii aad la gashay kaga baxdid. kadibna adiga kaa dhaadhacsiiya in “familkaagii hore” (Waalidkaa iyo waalahaa) iyo saaxiibadi hore in ay waqti kaa dhumiyaan maahane, ama asiga kugu diraan oo xumaantiis kuu aqriyaan aysan wax faaiido ah kuu keeneynin la kulankooda.
Waa qof ku suaalaa waxa kugu kasbay in aad qalad sameysid meeshii oo ka fekeri lahaa sida loo sixi lahaa qaladkaaga.

Waa qof kuu sheeego jirkaaga foolxumadiisa, dabeecad xumadaada, feker la’aantaada, dooq la’aantaada iyo guuldaradaada.
Waa qof doonis badan, rabana inuu asiga kali ah leho waxa oo rabo.
Waa qof shaki badan oo tusaala ahaan taleefankaaga baara, markaad banaanka jirtid toban jeer ku soo waca asoo ku weeydiinaa meesha aad joogtid iyo qofka aad la joogtid.

Waa qof aad jeclaatid in aad bedeshid hadii aad awoodi laheeyd, oo aan hal daqiiqo laheeyn tayooyinkii aad shalay ku dooratay. waxaadna ku fekertaa, isna tustaa in aad maalin uun heli doontid “Furaha sixirka ah” oo aad ku furi doontid aqligiisa, indhahiisa iyo qalbigiisa kadibna wanaagaaga iyo jaceylka aad u qabtid arki doona, kana mahadcelin doono, kaa balan qaadi doona in uusan u laaban doonin jir dilkii iyo bahdilki maskaxeed oo horay kuugu geeystay asoo jilbahaaga heeysta. Nasiib darro ma jiro “Furaha Sixirka ah” ee dumar badan raadiyaan!
Waa qof waxwalba oo aad sameeysid, waxwalba oo aad jeceshahay oo aad dartiis u deeysid, amar walba oo aad ka qaadatid, waxwalba oo aad sida oo asiga kuu sheegay aad ku sameeysid aanan waligiis ku qanci doonin waxa aad tahay, waxuu uun sii rabaa inta aad siisay in ka badan, waxuu rabaa in aad waligaa naftaada qax joogta ah iyo qaharka aan dhamadn laheeyd inta nafu kugu jirto aad kula jirtid.

Waa qofka kuugu hanjabaa inuu kaa tagaa/mid kale kaa raacaa hadii aad sameeyn weeysid waxa oo kaa rabo.
Waa qof ka maseera waxwalba, xataa ilmahiina aad wada dhasheen, sidaas darteed inuu kuu kontaroolo si walba xataa fekerka aad bulshada aad loo nooshahay ka qabtid isku dayaa.

Waa isku taxalujiya inuu noloshadii hore gud gelsho, tusaala ahaan hadii aad shaqeeyn jirtay ama aad wax baran jirtid kaa reeba shaqada iyo waxbarashada si aad u noqotid qof aan asiga ka maarmin. Laakiin marmarsiyo ka dhiganaaya inuu adiga dhibka kuu diidaa, amaba oo diidaa in nimanka kale ka arkaan oo “quruxdaada” la dhacaan.
Waa qof kuu sheegaa waxwalba oo aad sameyneysid, ka soo bilaw dharka aad ku labisaneysid ku geey filinka iyo barnaamijka aad ka fiirsan kartid tifiiga ama aad ka dhageysan kartid raadiyaha.
Waa qof hadii aad wax isku qilaaftaan gacantiisa iyo afkiisa gacantiisa ay soo horeyso, oo ku dila.

Waa qof calaacal, dhaar badan, ooyin iyo isdifaac badan markii oo arko in xumaantiisa ku gaartay oo aad diyaar u tahay in aad talaabo ka qaadid dhaqankiisa xun, si oo kuugu haayo meeshaada, waxwalba oo ogyahay in aad kula joogi kartid ayuu kaa balan qaadaa, asbuuc kadibna dhaqan xumadiisii iyo bahdilkiisii ayuu ka sii wataa halkii hore.
Waa qof markuu xanaaqa kuu ciqaabo siyaalo kala duwan, sida inuusan kula hadlin, inuu is moogeysiiyo in aad la joogtid, inuu erayo xun oo xanuunkooda uusan aqoonin sida uu qalbigaaga u gubaa oo kugu dhego jibsho markasta oo ku arko.

Waa ninka adoo la joogo la sheekeeysta dumarka kale, si oo adiga kuu ciqaabo. Ama adigoo maqlaa taleefan gabar kale ku shukaansada.
Waa kan isku sheegaa inuu ku jecelyahay laakiin ilmahaaga hortooda kugu dila, kugu caaya, ayagane hortaada intoo kale kula sameeyo.
Waa qof DAN darteed kuula nool, dadka ugu sheekeeyo inuu kugu meel gaaraayo, tusaala ahaan maal/lacag.
Ninka ama gabadha sheeganeyso in ay ku jeceshahay oo leh toban ama shan ka mid ah xataa calaamadaha aan kor ku soo xusay ka bixi noloshaada, hadii aad badbaado rabtid. Maxaayeelay jaceylka qofkaas waxuu isku bedelay NACEYBA, iyo jirooyinka JIRKA iyo QALBIGA ku dhaca, oo ay ka midyihiin xasidnimo, xiqdi, nafjeceel, awood jeceel, naxariis la’aan iyo kontaroolka nafafka kale loogu tagri falo, laguna bahdilo. Waana hubaal lama noolaan kartid qofkaas ileen waa qof wata cudur kugu dhici karo oo ku faafi og markiiba xidida jirkaaga.
NB! Calamadaha aan soo sheegay ma quseeyaan wiilasha/ragga oo kali ah, ee sidoo kale dumar/gabdhu badan ayaa leh tilmaahaas, oo kula dhaqma ragga/wiilasha ay “umaleeynaa” ama u sheegaan in ay jecelyihiin.





Fartuun Birimo: Anoo noole kuu jecel. Haddaad raacday naag kale., Nafta aad wadaagteen. Waa naruuro beeshee, Aan is nabad gelyeynee, Maxaad iigu soo noqonee
Amaad iigu naaloonee, Nuxurkaaga iga guur.!”











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment