Qiso Jaceyl Ah Oo Aad Iyo Aad Cajiib U Ah Iyo Jaceylkii Indho La’aanta..!

Bulsha:-  Gabar iyo wiil dhalinyara ah oo u dhashay wadanka Japan aya waxa dhex maray qiso jaceyl oo aduunka gebi ahaan ka yaabsatay, taas oo lagu wada qoray luqadaha dunida intooda badan.
Lamaanaha ayaa ahaa kuwa ka shaqeeya studio lagu cadeeyo sawirada, waxa ayna ahaayen kuwa isu caashaqay si xadka jaceylka ka baxsan. Waxa ay ahaayen kuwa markasta isu raaca beeraha raaxada, beeraha ayaa u ahaa lamaanaha meesha keliya ay ku hilmaaman daalka iyo dhibka kasoo gaadha shaqada studio-ga.
Waxaa kale oo ay beeraha iskaga qaadi jireen sawiro aad u farabadan si ay uga dhigtaan xasuusta jeceylkooda xadka dhaafay, waxa ayna ku noolaayen jaceyl midka ugu sareeya, ilaa aysan awoodin in ay kala tagaan, ilaa xiliga hurdada mooyaane.
Waxa ay u safreen wadanka china si ay u soo booqdaan bank halkaas ku yaala oo lagu keedsado xasuusaha jacelka, bankigaas oo lagu magacaabo “Bank of love”.
Maalin maalmaha ka mid ah wiilkii ayaa aaday studio-ga si uu u cadeeyo sawiro, markii uu dhameeyay cadeeyntii sawirada, waxa uu guda galay in uu habeeyo alaabtii uu isticmaalay sida waraaqihii iyo wax yaabihii kemikalka ahaa sida aashitada, saaxiibadiina hooyadeed ayeey balan la lahyd.
Alaseeydii maalintii dambe ayeey gabadhii timid meeshii shaqada, iyada oo bilowday in ay sii socodsiiso howlihi studio-ga. Waxa ayna guda gashay cadynta sawirada. Llaakiin saaxiibkeed ayaa shalay qaldamay oo aashito saaray meel sare oo aan aamin ahayn. Waxaana dhacay wax aanan ku jirin qorshaha. Gabdhii oo isleh soo qabso aashitada ayaa markii ay madaxeeda kor usoo qaaday waxaa wajiga iyo indhaha uga soo daatay aashitadii.
Dadkii meesha ka dhowaa ayaa ku soo yaacay gabadhii, si deg deg ah ayeeyna ugula carareen isbitaalka. Waxa ayna isla markiina fariin garsiiyeen sxbkeed. Markii uu ogaaday saaxbkeed dhacdada, ayuu xaqiiqsaday in aysan saaxbtiis dib danbe raja u lahayn. Waxa uu aqoon buuxda u laha aashitada uu meesha saaray awooda ay leedahay iyo sida ay wax u gubeeyso.
Waxa uuna go’aansaday in uu ka tago gabadha. Waxa uuna guda galay in uu jeex jeexo dhamaan wixi sawir ahaaoo ay horay isula galeen si uu isaga suuliyo xasuusteeda. Waxaana uu isaga tagay goobtii shaqada. Saaxiibadiina waxa ay garan wayeen sirta ka danbeysa dhaqankan aadka u foosha xun ee uu sameeyay.Waxa ay aaden gabdhii si ay usoo dejiyaan una soo sabarsiiyaan, laakiin nasiib wanaag waxa ay arkeen gabdhii oo aad u wanaagsan oo wajigeeda lagu sameeyay qaliin qurxin ah, indhaheeduna aysan wax dhib ah arkin.
Gabadhii isbitaalki ayeey kasoo baxday, waxa ayna imaatay goobtii shaqada indheheedana waxa ka difqaayay ilin, iyada oo arkeysa saaxbkeedii aan daacada ahayn, ee ka tagay xiligii dhibaatada ee ay u baahnayd. Waxa ay xaqiiqsatay in saaxiibkeed uusan ahayn daacad.
Waxa ayna isku dayday in ay raadiso gacaliyaheeda qaaliga ah, oo weli waxa ka sabri la’a qalbiga . Waxa ayna tagtay gurigii wayna ka soo wayday. Laakiin waxa ay aqoon fiican u leheed meesha laga heli karo, orod ayeey isa soo taabatay si ay uga hesho beertii ay ku qaadan jireen waqtigooda kifaaxa.
Waxa ay heshay isaga oo dhex fadhiya beertii oo madaxa heesta feker aawgeeda, hortiisa ayeey soo istaagtay iyada oo ooyneysa si ay ula hadasho, waxa ayna u fiirisay si shalaay uu ka muuqdo, sababto ah sxbkeeda waxa uu ka tagay xiligeedi ugu xumaa. Laakiin waxaa la yaab ahayd in uusan sxbiikeed ahmiyad siinin, xitaa uusan soo fiirin ruuxa meesha taagan sababtuna ahayd isaga oo u jeedin. Gabdhii waxa ay ogaatay arintan markii uu saaxbiibkeed kacay isaga oo ul haysta si uu uga dhigto caawinaad uu jidka ku maro.
Wiilka ayaa markii loo sheegay gabadha in ay aashito ku daadatay tagay cusbitaalkii la dhigay. Kadina waraysaty dhakhtarkii dawayaynayay. Dhakhtarkiina u sheegay in gabadhu indho beeshay. Wiilka ayaa ugu deeqay gabadha indhihiisa qaaliga ah. Waxa uuna door biday in uu isagu indhoole noqdo intii ay iyada noqon lahayd. Qaliikii waxa uu ku dhamaaday si guul ah, dhaqtarka waxa uu ka codsaday in uusan gabdha u sheegin in uu indhihiisa siiyay.



Markaas ka bacdina waxa uu go’aan ku gaaray in uu nolosheeda ka dheeraado si ay ula noolaato wiil kale oo iyada farxad geliya maadaaba uu noqday indhoole aan saaxiibadiis wax ugu oolin. Markii ay gabadhii ogaatay arinta dhulka ayeey ku dhacday iyada oo bilaawday ooyin aan kala go’ leheen, saaxbiikeeda horay ayuu isaga sii socday isaga oo aan garaneeynin gabadha meesha ku ooyneysa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment