Qurxinta Iyo Xanaanaynta Gacmaha

Bulsha:- Dumar badan oo inaga mid ahi waxay aad uga shaqeeyaan qurxinta wajiga iyo timaha, iyagoo ilowsan gacmahoodu inay yihiin quruxda iyo caafimaadka jidhka kuwa ugu sareeya, waxaa hubaala gabadha xijaaban quruxda jidhkeeda iyo caafimaadkiisa in laga qiyaaso gacmahooda. Cidiyaha oo la dhereeyo oo si qurux badan loo jaro kaliya maaha quruxda gacmaha, gacmaha oo xine (cilaan) la mariyo waa qurux soo jiidasholeh oo ay dumarka soomaaliyeed caan ku noqdeen. Xinaha kaliya oo aad mariso gacmahaaga kuma filna, gacmaha gabadhu waxa ay kaga duwan yihiin gacmaha nimanka ee la isku raacaay waa inay yihiin gacmo jilicsan oo aan qalafsanayn, gacmo marka la taabto la dareemo naxariis iyo dabacsanaan. Hadaba sideed ku gaadhi kartaa in gacmahaagu ay noqdaan ku naxariis iyo qurux u saaxiib ah.

-Markaad ka shaqaynayso guriga khaasatan musqusha (suuliga) xidho gacmaha lagu shaqeeyo.

-Marka aad xalayso weelka gasho gacmahaaga golofs-yada loogu talagalay marka weelka la xalayo si aad si aad uga badbaadid dawada weelka lagu xalo oo aad ugu daran gacmaha.

-Markasta oo aad u baxayso banaanka gasho gacmaha golofisyada laga gashto qabowga hadii aad joogtid wadama qabow.

-Hadii aad tahay dadka ku nool dhulalka qabow, joogto ka dhigo inaad mariso kiriim subagleh, habeenkii inta aadan seexan ka horna marso kiriim gacmaha.

-Marka aad joogto banaanka ee aad ku hadlayso telefoonka, aad gacanta ku hayso koob kulul oo aad shaah ama kafee ku cabayso gasho gacmaha golofisyada dhaxanta kaa celinaya hadii aad joogtid wadama qabowga badan.

-Si fiican u qalaji markaad wax dhaqdo ama aad gacmaha maydhato.

-Markasta isticmaal kiriimka loogu tala galay gacmaha ama kuwo u dhigma oo ka ilaaliya qalaylka badan. Ka ilaali gacmahaaga qalaylka badan ee keena qalafsanaanta jidhka.

-Isbar inaad gacmahaaga duugto (Massege) markastood fursad u hesho.

Aad uga ilaali gacmahaaga alaabta guriga lagu nadiifiyo ee ay ka buuxaan kiimikadu sida jaafeelka iwm.


-Ka ilaali gacmahaaga inay ka soo uraan basal iwm, waxaad isticmaashaa sabuun ay ku jirto liin dhanaan, hadii aadan heli karina waxaad ku xoqdaa gacmaha liin dhanaanta diirkeeda iyo biyaheedaba, kadibna biyo ku maydh waxaad arkaysaa urtii oo isbadashay.

-waxaad isku dartaa 1 qaado/malqacad oo saliid saytuunka ah (olive Oil), 1 qaado oo sonkor ah iyo 1 qaado oo liin dhanaan ah kadibna isku qas oo si fiican u mari gacmahaaga, kadibna iska maydh iskana qallaji adigoo isticmaalaya towel nadiif ah. way kuu jilcayaan gacmahaagu.

Sources: wikihow and khadijahome











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment