Bulsha:- tamiimAmiirka Qadar Tamiim Bin Hamada al-Thani ayaa shalay khudbadiisi ugu horeysay ka jeediyay telefishinka tan iyo markii Qadar go’doominta lagu soo rogay.Nuxurka qodobada khudbada amiirka waxaa kamid ah
- In Qadar diyaar utahay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka taagan balse wadahadaladaas ay noqdaan kuwa ixtiraamaya madax banaanida iyo qaranimada dalka Qadar
- In shacaba dalka Qadar ay muujiyeen adkeysi iyo midnimo loona baahan yahay inay sii wadaan
- Dhamaan ajaanibta ku nool Qadar waxay afhayeen unoqdeen dalka Qadar
- Waxaa la isku dayay dacaayado iyo kicin si Qadar isu dhiibto balse dadka Qadar ma aysan noqonin kuwa qaata dacaayadahaas iyo kicintaas
- Dalalka Carabta iyo kuwa aan carabta ahayn ee ixtiraama aragtida shacabkooda waxay taageero umuujiyeen Qadar ama ugu yaraan ma aysan taageerin kuwa na go’doomiyay
- Qadar cidina ku qasbimayso aragtideeda
- Tan iyo caruurnimadaanadii waxaan ogayn in beenta iyo xantu yihiin laba shay oo xun
- Qadar way la dagaalantaa argagixisada caalamkuna wuu ogyahay
- Kala aragti duwanaanshaha waxaa lagu xaliyaa wadahadal ee ma aha in arintaas ay dhibaato ukeento shucuubteena
- Qadar waxay ufuran tahay maalgashi
- Qadar waa la imtixaamay wayna ku baastay imtixaankii
- Qadar waxay garab taagantahay shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa kunool Al-Qudus waxayna cambaareynaysaa xidhitaanka Masjidul Aqsa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment